Xildhibanno ka tirsan DF oo mooshin ka keenay barlamanka JL

Image

May 7, 2015 (GO)- Iyadoo maanta magaalada Kismaayo lagu caleema saarayo barlamaanka cusub ee Jubaland, ayaa isla maanta mooshiin ka dhan ah baarlamaankaas waxaa loo gudbiyey guddoonka Golaha Shacabka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Mooshinkan oo ay ku saxiixan yihiin in ka badan afartan xildhibaan ayaa lagu sheegay in barlamaanka Jubaland yahay mid aan ku dhisneyn qaab sharci ah islamarkaana metelin dhammaan bulshooyinka ku dhaqan Jubbooyinka.

Beelaha dega Jubbooyinka qaarkood ayaa horay u qaadacay barlamanka dhowaanta lasoo xuley, kadib markii ay saluugeen saamiga laga siiyey xildhibaannada.

Faah faahin dheeri ah ka filo Garowe Online...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM