Xildhibaanno ku dhaawacmay Qarax ka dhacay Jowhar

Image

JOWHAR, Soomaaliya - Labo Xildhibaan ayaa ku dhaawacmay qarax miino oo xalay saqdii dhexe ka dhacay bartamaha magaaladda Jowhar, ee Caasimadda maamulka HirShabeelle.

Maxamed Cabdi Cali “Maxamed Dheere” iyo Cabdiraxman Cabdi Iidow “Kheyre”, ayaa qarax miino oo wadada qarkeeda la geliyay ku dhaawacmay xili ay kasoo laabteen munaasabad loogu dabaal-degayay sanad-guuradii 5aad ee kasoo wareegatay aas-aaska HirShabeelle.

Qaraxa miino wuxuu ka dhacay meel u dhaw saldhigga booliska Jowhar saqdii dhexe ee xalay, wuxuuna haleelay labada Xildhibaan xili ay lugeynayeen oo ay kusii jeedeen hoyga ay ka degan yihiin magaaladda, oo amnigeeda faraha kasii baxayo.

Xildhibaanno iyo Wasiiro ayaa lagu weeraray Jowhar tan iyo sanadkii lasoo dhaafay, waxaana kooxo hubeysan ku dileen gudaha magaaladda Wasiirkii Beeraha HirShabeelle Cabdiqaadir Abuukar Karaani bishii August 2020.

HirShabeelle ayaa ah maamulka ugu dhaw Muqdisho, kaasoo saameynta ugu badan ay ku leedahay Villa Soomaaliya, waxaana maamulka ka jira uu yahay mid jilicsan, oo lagu eedeeyay inuusan waxba ka qaban amniga. Jowhar iyo Balcad la isaguma gudbi karo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM