Xildhibaanno magaalada Muqdisho ku geeriyoodey

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Labo Xildhibaan oo ka kala tirsanaa Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo kan Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku geeriyoodey magaalada Muqdisho, maanta oo Axad ah.

Xildhibaan Axmed Mayoow Cabdulle, oo ku magac dheeraa "Korneel Ruush" ayaa dhintay kadib markii uu wadnaha istaagey, sida ay xaqiijiyeen xubno ay kawada tirsanaayeen Gollaha Shacabka.

Korneel Ruush ayaa degaan ahaan laga soo doortey Koonfur Galbeed.

Xildhibaan kale oo kamid ahaa Gollaha Wakiiladda maamulka Koonfur Galbeed ayaa isna maanta ku dhintay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, kaasoo lagu magacaabi jiray Khayre Maxamed Axmed.

Marxuum Axmed oo da’diisa lagu sheegay inta u dhaxeysa 30-sano illaa iyo 40, ayaa la tacaalayey maalmihii lasoo dhaafay xanuun, sidda ay warsidaha Garowe Online uxaqiijiyeen xubno ka tirsan qoyskiisa.

Mudanayaal ka tirsan Sharcidejinta KGS oo lasoo xiriiray GO ayaa sheegay inay tacsi ka dirayaan geerida naxdinta leh ee ku timid Khayre, kaasi oo ay tilmaameen inuu ahaa shaqsi jecel horumarka dalka.

Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa si lamid ah sheegtay tiiraanyadda la wadaageyso ehelka, asxaabta iyo caruurtii uu ka tegay Marxuumka, oo ay EBBE uga tuugtay naxariistiisa Jano.

Marxuum Khayre Maxamed Axmed oo kamid ahaa Baarlamaanka Koonfur Galbeed tan iyo markii la aas-aasay dowlad goboleedkaan ayaa seegay doorashadii uu dhowaan kusoo baxay Cabdi Casiis Laftagareen.

Horaantii bishaan December ayay ahayd markii rabshado ka qarxay magaalada Baydhabo uu ku dhintay Xildhibaan Cabdishakuur Buule, kaasi oo si lamid ahaa Gudoomiyaha Guddiga amniga Baarlamaanka KGS.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM