Xildhibaanno sheegay inay xilka ka qaadeen Madaxweynaha Galmudug

Image

CADAADO - Xildhibanno maanta kulan ku yeeshay magaalada Cadaado, ee gobolka Galgaduud ayaa ku dhawaaqey inay kalsoonida kala noqdeen Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.

Mooshin la sheegay inuu kalsooni kala noqosho yahay ayaa dood waxaa ka yeeshay Xildhibaanada Galmudug intii uu kulanka socday, kuwaasoo markii dambe shaaciyay inay xilka ka qaadeen Xaaf.

Fadhiga ay maanta oo Sabti ah yeesheen xubnaha sharci dejinta Galmudug waxaa shir gudoomiye ka ahaa Cali Gacal Casar, kaasoo maalmo kahor Xilldhibaano ku shiray xarunta maamulka ee Dhuusamareeb ka sheegeen inay xilka ka xayuubiyeen.

Xildhibaanadan ayaa taabacsan garabka gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Cali Gacal Casir iyo madaxweyne ku xigeenka, Maxamed Xaashi Carabeey, kuwaasi khilaaf siyaasadeed kala dhaxeeya Xaaf.

Todobaadkii tagey, Xildhibaanno sidan oo kale ugu shiray Dhuusamareeb ayaa sheegay inay xilka ka qaadeen Afhayeenka gollaha sharci-dejinta maamulkan, Cali Gacal, oo xil gudasho la'aan ku eedeeyeen.

Galmudug ayaa waajahaysa khilaafkii ugu xooganaa tan iyo markii Xaaf loo doortay Madaxweyne labo sano kahor, iyadoo khilaafka noocan ah horey ula degay Xukuumaddii Cabdikariim Xuseen Guuleed.

IGAD ayaa sanadkan heshiis dhex-dhigtay Galmudug iyo Ahlu Sunna oo gogol loo fidiyay dalka Jabuuti, halkaasoo ay ku gaareen heshiis awood qeybsi ah, oo dhigaya in la mideeyo labada dhinac.

Hanaanka loo marayo heshiiska Jabuuti ayaa noqday mid la isku mari waayay oo ku kala qeybsameen madaxda sare ee Galmudug, oo labo garab oo isku soo horjeeda ugu kala jabay Dhuusamareeb iyo Cadaado.

Si kastaba, lama oga halka uu ku dambeyn doono mustaqbalka Galmudug, oo tan iyo aas-aaskiisa 2014 madaxa ay iskula jireen madaxdiisa, oo khilaafaad iyo kala qeybsanaan kusoo jiray.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Kenya oo cabsi amni darteed u diiday Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya inuu dalkeeda galo

Dowladda Kenya ayaa masaafurisay Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji.

  • Soomaliya

    29-06-2026

  • 07:56AM

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM