Xildhibaano dacwad ka gudbiyay Madeira, eedeymo culus-na u jeediyay Farmaajo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaano katirsan Gollaha Shacabka, ayaa warqad ashtako ah oo ka dhan ah Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Fransisco Madeira u qorey Gudoomiyaha Guddiga Midowga Africa, Moussa Fako Mohamed.

Qoraalka oo ay soo saareen Xildhibaano la magac baxay "Kutlada Badbaadada Qaranka" ayaa ku eedeeyay Madeira oo sidoo kale ah madaxa AMISOM inuu si aan sharci ahayn u taageeray Farmaajo, oo dowladdiisa mas'uul ka ah faragelinta maamul goboleedyada.

Waxay sheegeen in Madaxa AMISOM uu ka weecday waxyaabihii loo soo igmadey ee ah nabad soo celinta dowlad-dhisidda Soomaaliya, kadib markii uu ku milmay siyaasadda gudaha Soomaaliya, islamarkaana hal dhinac la saftay, qeybna ka noqday dhibaatada Soomaaliya.

"Waxaa wax aad looga xumaado ah inaan kugu warelino [Moussa Faki] in Ambassador Madeira uusan u dhaqmin hab dhex-dhexaadnimo, oo ah mida fareysa xilka uu hayo, waxaana taageeradiisa qarsoon ee Madaxweyne Farmaajo ay dheera-gelinaysay soo laabashada nidaam kaligii talis ah," ayaa lagu yiri qoraalka Xildhibaanada.

Warka Xildhibaanada waxa kaloo lagu caddeeyay in mudo kordhintii halka sano ee loo sameeyay Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya, Fransisco Madeira ay ahayd mid uu ku taliyay Farmaajo, taasina ay awood u siisay dowladda Federaalka inay sameyso xad-gudubyo waaweyn, iyadoo ciidamada qaranka u adeegsatay inay ku disho, ku curyaamiso shacabka sidoo kalena ku aamusiiso muacaaradaka.

Xildhibaanada ayaa ku eedeeyay dowladda Farmaajo inay meel iska dhigtay qorshooyinkii qaranka, sida dhisida ciidamada, dhameystirka dastuurka, diyaarinta doorashadda 2021-ka iyo amniga, taasina bedelkeeda ay ku mashquulsan tahay duminta maamul goboleedyadda ka jira dalka.

Warqaddan ashtakadda ah ayaa lagu sheegay in Farmaajo uu wiiqay madax-banaanidii Baarlamanka dalka isagoo diiday Mooshinka ay ka keeneen Xildhibaanada Gollaha Shacabka.

Waxay sheegeen in xushmad la'aanta Madaxweyne Farmaajo u hayo madax-banaanida Baarlamanka ay caddeyn u tahay go'doominta lagu sameeyay hoyga Gudoomiyaha Gollaha Shacabka, Maxamed Mursal kadib markii uu qabtey Mooshinka.

Ugu dambeyntii, Kutladda Badbaadada Qaranka ayaa ugu baaqday Beesha caalamka in la baaro musiibadii aka dhacay Baydhabo, waxaana ay cambaareysay dilalka sharciga ka baxsan ee ay ku kacayaan ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM, kuwaasoo sidoo kale xiray Mukhtaar Roobow, oo ah musharax buuxiyay dhamaan shuruudihii musharaxnimo ee doorashada Koonfur Galbeed.

Qoraalkan waxaa la ogeysiiyay Madaxweyne Farmaajo, Safiiradda Mareykanka iyo Ingiriiska u fadhiga Soomaaliya iyo wakiilka Midowga Africa, Fransisco Madeira, oo ah shaqsi dacwadda lag gudbiyay.

HALKAN KA AKHRI QORAALKA XILDHIBAANADA OO ENGLISH KU QORAN:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM