Xildhibaano ka hadlay faragalinta Villa Somalia ku hayso Doorashada KG

Image

MUQDISHU- Xilldhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa madaxda Villa Somalia uga digay inay farageliso doorashada madaxwaynaha maamulkaan.

Xilldhibaanad Xaniifa Maxamed Ibraahim oo kamid ah Mudanayaasha oo kulan ku yeeshay Muqdisho oo la hadashay idaacada VOA-da laanteeda Afka Soomaaliga ayaa sheegtay in faragelinta ay haatan muuqato.

Ibraahim ayaa qirtay inay jiraan Murashaxiin ay maal-geliso dowlada dhexe oo u taagan doorashada, taasi oo macnaheedu yahay inay dooneyso inuu kusoo baxo siyaasi daacad u ah, sida ay hadalka u dhigtay.

Dhibaatooyin amni, mid dhaqaalo iyo mid siyaasadeed ayey sheegeen Sharci-dejiyaasha Federaalka ku metala Koonfur Galbeed inay ka dhalan karto faragelinta ay doorashaada ku hayaan madaxda dowlada dhexe.

"Waxaa caddeyn u ah faragelinta dowladda dhexe; inay Baydhabo gaysay Hub, gaadiid iyo ciidamo ay wataan Murashaxiin ay iyadda wadato; Taasi waxaa ka digaynaa inay horseedo dhibaatooyin," ayey tiri Xaniifa.

Wali ma jirto jawaab rasmi ah oo ay madaxda dowlada dhexe kasoo saareen eedaymahaan oo soo socda tan iyo markii ay soo dhawaatay doorashada Madaxwaynaha Koonfur Galbeed oo 17-ka bisha dambe qabsoomaysa.

Doorashada madaxwaynaha Koonfur Galbeed ayaa Madaxweynaha talada haya waxaa kula tartamaya Wasiir ka tirsan xukuumada RW Khayre iyo taliyihii hore ee ciidamada Nabad Sugida Calool Kuus kuwasoo oo gacan saar dhow la leh Villa Somalia.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

DP World: "Xiisadda Soomaaliya iyo Imaaraadka ma saameyn doonto shaqada dekedda Berbera"

Xaaladdan ayaa timid ka dib markii dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay gebi ahaanba xiriirkii iskaashiga u jartay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    13-01-2026

  • 01:37PM

Go’aankii dowladda Federaalka ee heshiisyada Imaaraadka oo la kulmay diidmo adag

Ilaa hadda, dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan jawaabin diidmada wadajirka ah ee ka timid Jubaland, Puntland iyo Somaliland.

  • Soomaliya

    13-01-2026

  • 09:18AM