Xildhibaano kasoo horjeeda Mooshinka Farmaajo oo bayaan soo saarey [Akhriso]

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanada kasoo horjeeda Mooshinka xilka qaadista ee laga keenay Madaxweyne Farmaajo ayaa ku yeeshay Muqdisho Sabtidii shalay kulan gaar ah, oo ay kusoo bandhigeen tiradooda.

Qoraal 10 qodob ka kooban, oo ay si wadajir ah usoo saareen Xildhibaanada ayay ku sheegeen inay taageersan yihiin Farmaajo, kuna qanacsan yihiin hogaankiisa, islamarkaanka ay ka difaacayaan Mooshinka.

Waxay Xildhibaanada ay ku baaqeen Gudoomiyaha Gollaha shacabka inuu ka tanaasulo Mooshinka uu qabtey, oo ay ku tilmaameen inuu yahay mid aan sharci aheyn, iyagoo ku doodey in aan la qaban karin Mooshin eedeyn Madaxweyne iyadoo aan la dhisin Maxkamadda dastuuriga.

Warka qoraalka ah ayaa lagu sheegay in Xildhibaanada Mooshinka keenay ay yihiin kuwa markii horeba aan codadkooda siinin Farmaajo doorashada Febuary 8, islamarkaana ay yihiin mucaarad, waxayna ugu baaqeen inay waqtigooda sugaan doorashada 2020.

Kulanka ay yeesheen Xildhibaanada ayaa muujinaysa heerka kala qeybsanaanta hay'addii sharci-dejinta dalka Soomaaliya, taasoo dib u dhac ku keeneysa in Dalku helo Dastuur dhameystiran loona gudbo doorasho Hal Qof Hal Cod.

Horaantii sanadkan, Gollaha Shacabka ayaa sidan oo kale ugu kala qeybsamay Mooshinkii laga keenay Gudoomiyihii xilligaasi, Maxamed Cismaan Jawaari, oo cadaadis kadib iska casilay xilka, kadibna la doortay April 2018 Maxamed Mursal, oo isna hadda ka horyimid siyaasada golaha fulinta ee ku aadan sida dalka loo maamulayo.

HALKAN KA AKHRISO BAYAANKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM