​Xildhibaano maanta lagu doortay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia-  Saddex kamid ah Xildhibaanada Barlamanka Federaalka Somalia ee ka imaanaya gobollada Waqooyi ayaa lagu doortay magaalada Muqdishu caasumadda Somalia, sida ay warbaahinta u u xaqiijiyeen Guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban.

Doorashada oo ka dhacday xarunta gaadiidka, ayaa waxaa kusoo baxay saddex mudane oo mid kamid ah dumarta tahay.

Xildhibaanada maanta la doortay ayaa kala ah; Maxamed Cabdullahi Kaamil oo heshay 51 cod, waxaana kursigaas kula tartamay Jibriil Sacad Muuse, Maxamed Cali Xagaa oo 50 cod kaga guulaystay Maxamed Iidle Kheyre iyo Seynab Caamir oo heshay 48 cod.

Xubnahan ayaa mid kamid ah, waxaa loo doortay Aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka Somalia, halka labada kale yihiin Aqalka Sare.

Ammaanka waddooyinka soo gala xaruntaas ayaa saaka aad loo adkeeyay, waxaana laga mamnuucay gaadiidka  inay is-ticmaalaan.

Dhawaan ayay ahayd markii kulan dhexmaray Guddoonka Barlamanka Somalia iyo Guddiga doorashada dadban ee heer Federaal ay soo jeediyeen in la dhammaytiro doorashada Xildhibaanada wali harsan.

269 xildhibaan ayaa iminka si toos ah loo doortay, waxaana la filayaa in kuwa kale lasoo afmeero inta aan la gaarin doorashada Madaxweynaha Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Taageertay Qaraarka Qaramada Midoobay ee qorshaha Trump ee Nabada Gaza

Mas’uuliyiinta ku xeel dheer mowqifka Soomaaliya ayaa sheegay in Muqdisho ay weli ka go’an tahay xalka laba-dal.

  • Soomaliya

    18-11-2025

  • 03:51PM

DFS oo sheegtay in macdan-qodis iyo baaris sharci-darro ay ka socdaan gudaha Soomaaliya

Digniintan ayaa imaanaysa iyadoo Soomaaliya uu ka jiro khilaaf ku saabsan maamulka khayraadka oo u dhaxeeya DFS iyo Maamullada.

  • Soomaliya

    17-11-2025

  • 12:38PM