Xiliga uu furmayo kal-fadhiga 5aad ee Aqalka Sare oo la shaaciyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddiga joogtadda ah ee Aqalka Sare baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah kulan ku yeeshay xaruntooda magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ay kasoo qaybgaleen inta badan xubnaha Guddigaasi ayaa waxaa shir gudoomiyay Afhayeenka Gollaha, Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa labo qodob oo kala ah; ansixinta hadal qoraalkii kal-fadhiga afaraad iyo ka doodista waqtiga uu furmayo kal-fadhiga 5aad.

Senator Cabdikaafi Macalin Xasan, hab-dhowraha guud ee Senate-ka dalka oo ka warbixiyay kulanka ayaa shaaciyay xiliga la isku raacay in la furo kal-fadhiga 5aad.

"Waxay noo noqon doontaa furitaanka kal-fadhiga 16-ka bishaan Maaj, hadii uu ALLE idmo," ayuu yiri Hab-dhowre Cabdikaaf.

Dhinaca kale, Hab-dhowraha ayaa rajo fiican ka muujiyay in sharciyada loo keeni doono kal-fadhiga 5aad, oo ah kuwa masiir ah, ay meel-mariyaan.

Aqalka Sare waxaa haatan horyaalla shuruuc uu usoo gudbiyay Gollaha Shacabka oo la doonayo in uu ansixiyo marka uu furmo kal-fadhiga 5aad, wallow wadashaqeyntii labada dhinac ay hakad ku jirto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM