Xiliga uu furmayo kal-fadhiga 5aad ee Aqalka Sare oo la shaaciyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddiga joogtadda ah ee Aqalka Sare baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah kulan ku yeeshay xaruntooda magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ay kasoo qaybgaleen inta badan xubnaha Guddigaasi ayaa waxaa shir gudoomiyay Afhayeenka Gollaha, Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa labo qodob oo kala ah; ansixinta hadal qoraalkii kal-fadhiga afaraad iyo ka doodista waqtiga uu furmayo kal-fadhiga 5aad.

Senator Cabdikaafi Macalin Xasan, hab-dhowraha guud ee Senate-ka dalka oo ka warbixiyay kulanka ayaa shaaciyay xiliga la isku raacay in la furo kal-fadhiga 5aad.

"Waxay noo noqon doontaa furitaanka kal-fadhiga 16-ka bishaan Maaj, hadii uu ALLE idmo," ayuu yiri Hab-dhowre Cabdikaaf.

Dhinaca kale, Hab-dhowraha ayaa rajo fiican ka muujiyay in sharciyada loo keeni doono kal-fadhiga 5aad, oo ah kuwa masiir ah, ay meel-mariyaan.

Aqalka Sare waxaa haatan horyaalla shuruuc uu usoo gudbiyay Gollaha Shacabka oo la doonayo in uu ansixiyo marka uu furmo kal-fadhiga 5aad, wallow wadashaqeyntii labada dhinac ay hakad ku jirto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM