Xiliga uu furmayo kal-fadhiga 5aad ee Gollaha Shacabka oo la shaaciyay

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddiga joogtada ah ee Gollaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan ku yeeshay maanta oo Khamiis ah xaruntooda ee magaaladda Muqdisho.

Fadhiga oo ay kasoo qaybgaleen inta badan xubnaha Gollaha ayaa waxaa shir gudoomiyay Afhayeenka Gollahaasi, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan.

Sidda laga soo xigtay xogheynta Gollaha, ajendaha kulanka ayaa ah mudeynta furitaanka kalfadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka.

Sidda ku cad qoraal kasoo baxay Gollaha, 27-da bishaan Maaj oo ku beegan maalin Arbaco ah ayaa loo mudeeyay munaasabadaasi.

Mudeynta xiliga la furayo kal-fadhiga 5aad ee Aqalka Hoose ayaa imaanaysa iyada oo aan wali la xalin khilaafkii kala dhaxeeyay Aqalka Sare.

Aqalka Sare ayaa horey u shaaciyay in uu furmi doono kal-fadhigiisa 5aad 16-ka bishaan Maaj oo laga soo gudbay, taasoo dib u dhac ay ku timid.

Sidda ku cad jadwal howleedka Gollaha Shacabka, kal-fadhiga 5aad waxaa uu furmi lahaa 10-ka bishaan, balse ma aaney dhicin.

Sababta dib u dhacaasi keentay ayaa lagu sheegay in ay ahayd Gudoomiye Mursal oo dibada ku maqnaa iyo muranka taagan.

Go’aanka maanta kasoo baxay Guddiga joogtada ah ee Aqalka Hoose ayaa imaanaya iyada oo shalay kulan looga hadlayay xoojinta xiriirka baarlamaanka Soomaaliya uu ka qabsoomay Muqdisho.

Shirkaasi oo ay ka qaybgaleen gudoonada labada Golle ayaa waxaa kasoo muuqday ku xigeenka wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u fadhiya Muqdisho, inkasta oo natiijada kasoo baxday aanan lala wadaagin saxaafada.

Madaxwayne Farmaajo ayaa horey u balanqaaday in uu xalin doono khilaafka labada Aqalka, wallow aananu muuqan talaabo horumar laga sameeyay oo ay Madaxtooyadda ka gaartay arrinkaan.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM