Xilldhibaan hore oo lagu dilay Muqdisho [Fahfaahin]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Fahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya fal dil ah oo Xildhibaan hore loogu geysatay magaalada Muqdisho, ee Caasimadda dalka Soomaaliya.

Marxuumka oo lagu magacaabayey Cali Maxamed Cabdi, ayaa kasoo mid noqday Baarlamaankii 9aad ee Soomaaliya [Dowladdii Xasan Sheekh], waxaana dilkiisa la sheegay inuu ka dhacay degmadda Howlwadaag ee magaaladda Muqdisho.

Dilka ayaa yimid kadib markii Rag hubeysan ay weerar qorsheysan ku qaadeen Guri uu ka deganaa mid kamid ah xaafadaha Degmadda, halkaasoo lagu khaarijiyay, sida ay Garowe Onliane u xaqiijiyay Goobjooge.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Cali uu ahaa Seyga ama Ninka Mudane ka tirsan Baarlamaanka hadda shaqeeya ee 10aad ee Soomaaliya, oo lagu magacaabo Xiis Maxamed.

Ma jirto cid sheegatay falkaan lagu khaarijiyay Xilldhibaankaan hore, balse, dilalka noocaan ah ayaa mudooyinkii dambe waxaa dhabarka saaraneysay Kooxda Al-Shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa Magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho ka dhacay falal lid ku ah amniga dilal kala duwan, xilli amaanka caasimada lagu wareejiyay Booaliska kadib markii laga saarey kuwii xasilinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM