Xilldhibaan hore oo lagu dilay Muqdisho [Fahfaahin]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Fahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya fal dil ah oo Xildhibaan hore loogu geysatay magaalada Muqdisho, ee Caasimadda dalka Soomaaliya.

Marxuumka oo lagu magacaabayey Cali Maxamed Cabdi, ayaa kasoo mid noqday Baarlamaankii 9aad ee Soomaaliya [Dowladdii Xasan Sheekh], waxaana dilkiisa la sheegay inuu ka dhacay degmadda Howlwadaag ee magaaladda Muqdisho.

Dilka ayaa yimid kadib markii Rag hubeysan ay weerar qorsheysan ku qaadeen Guri uu ka deganaa mid kamid ah xaafadaha Degmadda, halkaasoo lagu khaarijiyay, sida ay Garowe Onliane u xaqiijiyay Goobjooge.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Cali uu ahaa Seyga ama Ninka Mudane ka tirsan Baarlamaanka hadda shaqeeya ee 10aad ee Soomaaliya, oo lagu magacaabo Xiis Maxamed.

Ma jirto cid sheegatay falkaan lagu khaarijiyay Xilldhibaankaan hore, balse, dilalka noocaan ah ayaa mudooyinkii dambe waxaa dhabarka saaraneysay Kooxda Al-Shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa Magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho ka dhacay falal lid ku ah amniga dilal kala duwan, xilli amaanka caasimada lagu wareejiyay Booaliska kadib markii laga saarey kuwii xasilinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay qorshaha Israel ka damacsan tahay Somaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Muqdisho ay la xiriirtay bulshada caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 12:41PM

Xasan Sheekh oo u safraya Saudi Arabia xilli ay isbeddelayaan xulafada Soomaaliya

Sidoo kale, booqashadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dowladda Soomaaliya ay si cad u taageertay mowqifka Sacuudi Carabiya.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 09:23AM