Xiritaanka kalfadhiga Barlamanka Somalia oo dib u dhacey

Image

23 August,2015 (GO)- Gudoonka sarre ee baalamanka Somalia ayaa maanta xaqiijiyay in uu sii furnaan doono kalfadhigooda 6-aad sanadkan, illaa iyo inta laga maaraynayo ajandayaasha horyaala oo mooshinka madaxweyne Xasan Shiikh ugu horeeyo.

Gudoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cismaan "Jawaari" oo cuskanaya qodobka 24-aad ee xeer hoosadka golaha wakiilada, farqadiisa 5-aad, ayaa ku dhawaaqay in fadhiga 6-aad uu sii furnaan doono, illaa iyo inta laga maaraynayo ajandayaasha Baarlamaanka horyaala.

"Wuxuu qorshahaynu ahaa 27-ka bishan inaan soo gaba gabeeno fadhiga 6-aad, balse inta aan ka maraynayno ajandayaasha Baarlamaanka horyaala, waa sii furnaan doonaa insha alaah." ayuu yiri Jawaari.

Gudoomiye Jawaari ayaan cadayn xilliga la soo xirayo kalfadhiga 6-aad ee baarlamaanka, kadib markii culeys uu kala kulmey xildhibanada mooshinka ka keeney madaxweyne Xasan Shiikh.

Barlamanka Federaalka ah ayaa waxaa horyaala mooshin la rabo in xukunka laga tuuro madaxweynaha Somalia iyadoo markii hore aheyd in maxkamada sare qaado eedeynta Xasan Shiikh balse waxay hada xildhibanaada dabada ka riixaya qodobkaan rabaan in go'aan laga gaaro aqalka wakiilada.

GAROWEONLINE
 

Related Articles

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM