XOG: Khilaaf soo kala dhex-galay kooxaha Somalida ee tageersan Daacish

Image

GAROWE, Puntland - Warsidaha Garowe Online ayaa ogaaday in Khilaaf xooggan uu soo kala dhex-galay Kooxda xiriirka la leh  Daacish ee ku sugan Buuralayda Golis, ee gobolka Bari.

Kooxdan oo ka kooban qiyaastii 200 oo Dagaalyahan, ayaa isku khilaafsan Hogaanka sare, oo ay doonayaan inay bedelaan Horjooge Cabdiqaadir Muumin, maadaam uu noqday Nin da’ ah. 

GO ayaa helay macluumaad ah in Kooxdan u kala jabtey labo garab, oo kasoo kala jeeda deegaanada Koonfur Somalia iyo Puntland, kuwaasi oo ku loolamaya cida bedelaysa Sheekh Cabdiqaadir Muumin. 

Ilo-wareedyada ayaa sheegaya in qaar badan ay goosteen, kadibna dib ugu biireen Kooxda Al shabaab, oo markii hore ka yimaadeen, halka kuwa kalena ay billaabeen in ay isku dhibaan Ciidamada Puntland. 

Sheekh Cabdiqaadir Muumin, iyo 50 Dagaalyahan oo isaga taabacsan, ayaa Bishii October, 2015-kii uga dhawaaqay Buuraha Golis inay ku biireen Daacish, islamarkaan ay daacad u yihiin Abu Bakar Al Baqdadi. 

Sanad kadib aas-aaskooda, 26-kii October, Xoogagan taabacsan Daacish ayaa qabsadey magaalo Xeebeedka Qandalla, oo 75KM dhanka Bari uga beegan Boosaaso, ee xarun Ganacsiga Puntland. 

Qabshada Kooxda ee Qandalla, ayaa soo jeedisay Dareenka Caalamka, gaar ahaan Puntland oo ay ku fureen Jiid-dagaal oo cusub, iyo khatar kale oo mid ah mida Al shabaab-ka ku sugan Buuraha Galgala.

Waa Kuma Sheekh Cabdiqaadir Muumin? 

Waxa uu dhashay 1950-kii, lama oga halka uu ku dhashay balse waxa uu deegaan ahaan kasoo jeedaa gobolka Bari, gaar ahaan aaga degmada Qandalla. 

Mūmin wuxuu tagey UK intii u dhaxaysay 2005 – 2006, waxaana uu noqday Wadaad/Sheekh Khudbadaha ka jeeda Masaajid ku taalla London, halkaasi oo fekerka xag-jirnimda ku faafin jirey. 

Dhalinyaro badan oo ay kamid yihiin Ninkii Daacish u qaabilsanaa Gowraca Muwaadininta Reer Galbeedka Jihadi John iyo Michael Adebolajo oo 2013 bartamaha London ku dilay Askari Ingiriiska u dhashay ayaa xiriir ka dhexeeyey Cabdulqaadir Muumin.

2010, Cabdiqaadir Muumin waxa uu kasoo muuqday Shir jaraa’id oo uu qabtey Nin horey ugu xirnaa xabsiga Guantanamo Bay oo lagu magacaabo Moazzam Begg, iyagoo cambaareeyey dagaalka ay Reer Galbeedka kula jiraan Mintidiinta Geeska Africa, gaar ahaan Al shabaab. 

Waxuu kusoo laabtey Somalia, kuna biiray Garabka Dacwada Al shabaab 2010 , isagoo ka yimid dalka Ingiriiska xilligaasi oo ay ku raad joogtey MI5-da, kadib markii dhalinyaro badan dalkaasi uga soo qoray Al shabaab, Daacish iyo Al Qaeda. 

Mumin waxa uu ku jira Liiska Dadka uu doon-doonayo Mareykanka inuu dilo ama qabto, waxaana madaxiisa la dul-dhigay 5 Million oo Dollar. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Ra'iisul Wasaare Xamse oo weerar afka ah ku qaadey Axmed Madoobe

Wasiirka koowaad ee dalka ayaa sheegay in madaxweynaha Jubbaland aysan u furneyn dib u tartanka madaxtinimada Jubaland.

  • Soomaliya

    18-11-2024

  • 10:52AM

Booliska Soomaaliya oo taageero dheeraad ah waydiistay Turkiga

Taliye Asad Cismaan oo dowladda Turkiga uga mahadceliyey taageerada iyo tababar siinta ciidamada Booliska.

  • Soomaliya

    18-11-2024

  • 05:06AM