XOG: Khilaafka u dhexeeya madaxda Galmudug oo kordhey

Image

CADAADO- Tan iyo markii Madaxweynaha Galmudug Axmad Ducaale Geele Xaaf uu soo saarey mowqifka maamulkiisa ee ku aadan muranka siyaasdeed ee Khaliijka Halkaan ka akhri ayaa waxaa soo baxayey khilaaf u dhexeeya madaxda sare ee maamulkaas ( Madaxweyne ku xigeenka iyo Gudoomiyaha Barlamanka) kuwasoo khilaafey go'aankaan kuna sheegey mid aan sharciga waafaqsaneyn.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamad Xaashi Carabey iyo Gudmoomiyaha Barlamanka Galmudug Cali Gacal Casir oo dhinac ah ayaa ku tilmaamey go'aanka Madaxweyne Xaaf mid lagu degdegey islamarkaana uusan kala tashan dhinacyada ay khuseyso.

Axmad Ducaale Xaaf oo jawaab kulul ka bixiyey hadalka labadaan mas'uul ayaa sheegey in isagu ka madaxweyne ahaan leeyahay go'aanka siyaasdeed ee maamulkaan lagu hogaaminayo islamarkaana qaadashada mowqifkaan ku tilmaamey inuu yahay mid sax ah madama dadka kasoo jeeda degaanada Galmudug danahooda dhaqaale iyo nololeed ku xiran yihiin wadamada Imaraadka iyo Sucuudiga isagoo dhinaca kale ku eedeyey dowlada Federaalka Somaliya iney qabyaaladeysay arinkaan, waxaana uu ugu baaqey iney faraha kala baxaan arimaha gudaha ee maamulkiisa.

"Wax walba lagama wada-tashado, go'aanka rasmiyan anigaa leh, waana u sheegay, arrimahaha socda waa arrimo aad moodid inay yihiin kuwa qabiil salka ku haya, taasina Galmudug way ka gudutay," ayuu yiri Madaxweyne Xaaf.Halkaan ka akhri

Wararka ayaa sheegaya in magaalada Cadaado iyo Muqdishu khilaafka u dhexeeya madaxda Galmuudg uu ka qaatey waji qabiileed kaasoo u dhexeeya qabaa'ilada ku midoobey maamulkaan iyadoo Madaxweyne ku xigeenka iyo gudoomiyaha Barlamanka oo kasoo jeeda beelaha Mareexaan iyo Murursade ay diideen go'aanka madaxweynaha halka beesha Habargidir tageero siyaasadeed u muujiyeen Axmad Ducaale Geele Xaaf.

Magaalada Muqdishu ayaa waxaa dhinaca kale ka bilowdey dhaqdhaqaaqyo siyaasdeed ay wadaan xildhibaanada labada aqal ee Barlamanka kuwasoo kala tageersan dhinacyada isku haya maamulka Galmudug.

Madaxweyne maamulka Galmudug oo maalinamadii Sabtida 23 September,2017 xilka ka qaadey taliyihii ciidamada Nabad Sugida ee maamulkiisa sababo uu ku sheegey amar diido  Halkaan ka akhri ayaa la filayaa in maalinta Isniinta dib ugu soo noqdo xarunta maamulkaas ee Cadaado isagoo safar ugu maqanaa maalmihii lasoo dhaafey dalka Imaraadka Carabta.

Maamulka Galmudug ayaa May 3, 2017 Madaxweyne u doortey Xaaf kadib markii Barlamanka maamulkaas xilka ka xayuubiyey Cabdikarim Guuleed oo lagu tirinayey inuu Villa Somaliya xilkaan u dhiibtey.

GAROWEONLINE

Related Articles

Haweeney Lagu Xukumay 15 Sano ka Dib Ururinta $1.2 Milyan oo Al-Shabaab loogu Maalgaliyay

“Dhammaan dadka ku lugta leh falalkan halista ah waxaa la horkeeni doonaa sharciga si cadaaladda loo waafajiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska.

  • Soomaliya

    16-09-2025

  • 11:46AM

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM