Xog laga helay bartilmaameedka qaraxyadii gil-gilay Muqdisho

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qaraxyo xoogan oo xalay ka dhacay magaaladda Muqdisho ayaa lagu dilay in ka badan 25 ruux, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Booliska iyo Goobjoogayaal.

Qaraxyada ayaa ahaa saddex kuwaasoo labo kamid ah oo midkood loo adeegsaday gaari xamuul ah waxa ay ka dhaceen iridka Hotel Hilaac UK oo ku dhegan hotel Maka Al Mukarama.

Midka saddexaad oo ka dhashay gaari nooca raaxada ah kaasoo lagu soo rakibay walxaha qarxa ayaa ka dhacay dhabarka dambe ee Hotel Naasa Hablood 1 oo ku dhow isgoyska KM 4.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in bartilmaameedka weerarada ay ahaayeen Hotel Maka Al Mukarama oo ay degan yihiin Xildhibaanno, mas'uuliyiin iyo dad kale oo madax ah oo joogto halkaasi ugu kulma.

Sarkaal Boolis ayaa sheegay in dableyda ay qarxiyeen gaariga iyaga oo isku deyay in ay khaarijiyeen garsoore maxkamadeed.

Gaariga ayaa ku qarxay meel ku dhow guriga gudoomiyaha maxkamada racfaanka, Abshir Cumar oo aan ka fogeen Maka Al Mukarama.

Kooxda hubeysan iyo ilaalida guriga garsooraha ayaa saacado is-rasaaseeyay, sida uu sheegay Maxamed Xuseen, oo booliska Soomaaliya ka tirsan.

Illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyey in dableyda ay gashay dhismayaasha Hoteelada Hilaac UK iyo Maka Al Mukarama oo ay ka dhex-dagaalamayeen tan iyo saacadihii dambe ee xalay.

"In ka badan 30 ruux ayaa ku dhaawacantay," ayuu Maxamed u sheegay wakaalada wararka ee AP.

Labo goobjooge ayaa u sheegay warsidaha GO in gaariga qarxay uu burbur xoog leh gaarsiiyey saqafka sare ee hoyga garsoore Abshir Cumar.

"Qaraxyada kadib uuro iyo holac ayaa aaga daboolay, waxaana gubtay dhismayaal iyo gaadiid goobta yaalay," ayuu yiri Goobjooge, Axmed Maxamed.

AlShabaab ayaa tilmaamtay in ujeedka weerarka uu ahaa Hotel Makal Al Mukarama, balse aanu ahayn hoyga garsooraha.

Saabir Cabdi, goobjooge kale, ayaa telafoonka ugu sheegay Garow Online in dhismayaal kale oo meesha ku yaallo uu soo gaarey burbur baaxad ah, ayna dhaawacmeen dadka gudahooda ku jiray.

Dad kale oo u badan shacab ayaa laga soo badbaadiyay dhismayaasha.

AlShabaab ayaa horey u beegsatay Hotel Maka Al Mukarama. Bishii Maarso ee 2018 ayay ahayd markii ugu dambeysay, waxaana xilligaasi ku dhimatay 18 qof.

14-ka bishii October ee sanadka 2017-kii, waxaa ka dhacay caasimada weerarkii ugu dhimashada badnaa taariikhda, iyadoo ay ku dhinteen in Ka badan 500 ruux.

Kooxdaan xiriirka la leh Al-Qaacida taasoo Muqdisho laga saarey sanadkii 2011-ki ayaa sidoo kale weeraro ka fulisa dalalka deriska, sida Kenya.

Bishii hore ee Janaayo ee sanadkaan 2019 ayey markii ay ku duushay Hotel-ka DusitD2 ee Nairobi, halkaasi ay ku geeriyoodeen 21 ruux.

Qaraxyadda ayaa kusoo aadaya iyada oo Mareykanka uu kordhiyay duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab, oo 50 howlgal fuliyay sanadkii 2018-kii.

Sanadkaan 2019, Mareykanka ayaa laba jibaaray howlgaladiisa, waxaana weeraro cirka ah oo uu Al-Shabaab kula beegsaday koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya kaliya todobaadkaan uu ku laayey ku dhowaad 70 kamid ahaa AlShabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Siilaanyo: Madaxwaynihii hore ee Somaliland oo geeriyooday

Madax kala duwan ayaa ka tacsiyeysay geerida oo illaa haatan aanan fahfaahin laga bixin sababta keentay.

  • Soomaliya

    15-11-2024

  • 08:23PM

Soomaaliya: Wasiir hore oo loo xukumay afduub iyo burcad-badeednimo

Wariye Michael Scott Moore ayaa wuxuu haystaa dhalashada dalalka Mareykanka iyo Jarmalka.

  • Soomaliya

    15-11-2024

  • 07:56AM