XOG: Sanbalooshe oo go'aan ka gaaraya eedeyntii loo jeediyey NISA

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kadib markii ay soo baxdey warbixintii Guddiga aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka Soomaaliya u xilsaarey kiiskii Qalbi-dhagax ayaa waxaa jira warar sheegaya in madaxda sare ee Hay'ada fulinta dowlada wadahadal la bilaabeen taliyihii hore ee ciidamada Nabad Sugida Cabdulahi Maxamad Cali "Sanbalooshe'. Wadahadlkaan ayaa xubnaha u sareeya Hay'adaan kaga hortagyaan in Taliyihii hore ee NISA sidii uu jawaab uga bixin laheyn eedynta guddiga aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka u soo jeediyeen.

Guddiga loo xilsaarey iney go'aan kasoo gaaraan dhiibista kiiska Qalbi-dhagax ayaa eeda dhacdadaan waxa ay dusha ka saareen Haya'adii Cabdulahi Maxamad Cali ' Sanbalooshe' madaxda uu ka ahaa kuwaasoo yiri, "Kaddib markaan aragnay dhammaan Dastuurradii ay Soomaaliya soo yeelatay taniyo xorriyaddii 1960-kii iyo shuruucda dalka ee ku aaddan arrinta isu-gudbinta eedeysanayaasha iyo dambiilayaasha, Guddiga waxaa usoo baxday in dhiibista Cabdikariim Sheekh Muuse “Qalbi Dhagax” aan loo marin hab sharci ah, lagana talo-gelin Hay’adaha Garsoorka, iyada oo ay isla markaasna maareysay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka keliya, laguna saleeyay go’aan ku dhisan xog aan sugneyn oo la siiyay Madaxda Qaranka." 

Dhinaca kale warar kale ayaa sheegaya in Taliyihii hore ee NISA isu diyaarinayo dib uga mid noqoshada Golaha Barlamanka Federaalka Soomaaliya kaasoo iska casiley xilkaan markii loo magacaabey Hay'adaan.

Xogtaan ayaa sheegeysa in Villa Soomaaliya u balan qaadey Taliyahii hore sidii ay ugala shaqeyn laheyd in markale dib loogu soo doorto xubinta Barlamanka Federaalka ama xilal kale loogu magacaabi lahaa.

Sanbalooshe oo cabsi ka qaba raadka sharciyan ku yeelan karto eeda dusha laga saarey hadii uusan jawaab ka bixin ayaa sida warsidaha GO u sheegeen sharci yaqaano, waxay saameyn ku yeelan kartaa kamid ahaanshihiisa Barlamanka Federaalka Soomaaliya halka qoyska Qalbi-dhagax dacwad ku soo oogi karaan.

Mucaaradka dolwada Federaalka ayaa sidoo kale tan iyo markii ay soo baxdey warbixintaan eedymo u jeedinayey madaxda sare ee Hay'ada fulinta dowlada ( Madaxweynaha iyo Ra'isal wasaaraha) ku lug lahaanshahooda go'aanka hay'adda NISA ku dhiibtey Qalbi Dhagax halka dhinaca kale ku cadaadinayeen in Sanbalooshe jawaab ka biixyo sida uu wax u og yahay.

Taliyaha ciidamada NISA ayaa waxaa lagu magacaabaa wareegto Madaxweyne iyadoo shaqadiisu hoostimaado Ra'isal wasaaraha Soomaaliya. Barlamanada dowlada Federaalka ayaa iyagu nidaam ahaan wax lug ah ku lahyn ansaxinta madaxda hay'adaha amniga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM