XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland
MUQDISHO, June 24, 2026 – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu eedeeyay inuu cadaadis xoogan ku hayo kooxo siyaasadeed iyo shakhsiyaad uu soo dirsaday oo kasoo jeeda Puntland, si ay iska horimaadyo hubeysan uga ridaan magaalooyinka waa weyn ee maamulkaas. Diiwaangelinta ciidanka, magacaabisyada, iyo qorshaha saadka ee arrintan ku saabsan waxaa shaaca ka qaaday warbaahinta Garowe Online oo heshay dukumiintiyo sir ah.
Ujeedada weyn ee Villa Somalia ka leedahay qorshahan ayaa ah aargudasho siyaasadeed, si indhaha caalamka looga jeediyo culeysyada gudaha ee ka haysta caasimadda Muqdisho. Madaxtooyada ayaa doonaysa in ay caalamka u tusto in madaxweynuhu uusan kaligii la dagaalamayn mucaaradka, balse ay jirto xasillooni-darro guud oo gobolka ka jirta.
Ilo wareedyo u dhow madaxtooyada ayaa tilmaamaya in dowladda federaalku ay aaminsan tahay in culeyska ugu weyn uu uga imaanayo jiidda fidsan ee Jubbaland ilaa Puntland. Ka dib markii ay fashilmeen isku dayadii lagu burburin lahaa maamulka Jubbaland, waxay hadda madaxtooyadu diiradda saaraysaa sidii loo tijaabin lahaa loona wiiqi lahaa xasilloonida Puntland.
Dukumiintiyada la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood, iyadoo abaabulka ugu xoogan laga dareemayo labo ciidan oo kala jooga caasimadda Garowe iyo galbeedka magaalada Gaalkacyo.
Si kastaba ha ahaatee, damacan madaxtooyada ayaa durbadiiba dhalay kala qaybsanaan baahsan oo soo dhex gashay siyaasiyiinta reer Puntland ee u adeega Villa Somalia, kuwaas oo u kala jabay saddex garab oo iska soo horjeeda.
Garabka koowaad, oo ay ku midoobey xildhibaanno rajo dhileyn ah oo ka quustay inay dib usoo laabtaan iyo siyaasiyiin horey u guuldareystay, ayaa doonaya inay deegaanadooda u dhoofiyaan colaado aan dhammaad lahayn, iyagoo abaabulaya maleeshiyo beeleed deegaanka ah si qorshaha mar qura loo wada bilaabo.
Dhanka kale, garabka labaad oo uu ka kooban yahay xubno dowladda federaalka xilal sare ka haya ayaa gabi ahaanba diiday fulinta amarka Villa Somalia. Waxay ku doodeen inaysan mustaqbalkooda siyaasadeed u baabi'inayn dano muddo gaaban ah, ayna tahay inay dhowrtaan fursadaha doorashada ee 2029-ka, iyadoo ay wali muuqato boogtii ka dhalatay doorashooyinkii gobolka ee 2019 iyo 2024.
Sidoo kale, garabka saddexaad oo ay ku jiraan xubno ku cusub saaxada oo kasoo jeeda gobolka Bari, isla markaana isbahaysi ganacsi la leh Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa iyaguna qaba walaac iyo cabsi weyn ka dib markii ay sheegeen in isku daygoodii ugu horreeyay lagu khiyaanay oo aan loo soo gurman xilligii loo baahnaa.
Iyadoo khilaafka dhexmaray kooxahan uu sii qoto dheeraanayo, ayaa xubnihii markii hore ogolaaday fulinta qorshahan waxay wajahayaan cadaadis kale, ka dib markii qaar kamid ah duqeyda dhaqanka ee Puntland ay uga digeen inay deegaanka keenaan qorshayaal dibadda laga soo agaasimay oo khatar ku ah nnabadda iyo xasilloonida muddada dneer ka jirtay gobolka.
GAROWE ONLINE