Xog: xildhibaannada Maamulka G. Dhexe oo Muqdisho u baxsaday!

Image

July 14, 2015 (GO)- Inta badan xildhibaannada baarlammaanka maamulka gobollada dhexe ee dhowaan degmada Cadaado lagu dhisay ayaa maalmihii u dambeeyey gaarey magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya.

Ila-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Garowe Online u sheegay in arrintani salka ku hayso kadib markii xildhibaannadu la kulmeen hanjabaado iyo handadaad uga timid qaar kamid ah murashaxiintii looga guuleystey doorashadii madaxtinimada ee Cabdixakiim Xuseen Guuleed kusoo baxay.

Mileeshiyo beeleed taabacsan siyaasiyiintii laga guuleystey ayaa ku hanjabey inay beegsan doonaan xildhibaannadii ka qaatey lacagaha tirada badan hadana codadkooda u weeciyey dhanka Mudane Cabdikariim.

Xubnaha baarlammaanka maamulka Gobollada Dhexe oo cabsi ka qaba in la shirqoolo maadaama ammaanka Cadaado yahay mid aan si fiican u sugnayn, waxay badankoodu iska xaadiriyeen magaalada Muqdisho.

Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa la rumeysan yahay inuu ahaa murashaxa bixiyey lacagta ugu badan, balse waxaa jira murashixiin kale oo Axmed Cabdisalaan iyo Fiqi ay kamid yihiin, kuwaas oo dhaqaale badani kaga baxay doorashada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM