​Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka iyo Farmaajo oo Taleefon kuwada hadlay

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha waddanka Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmajo iyo xoghaya arrimaha dibadda Maraykanka Rex Tillerson, ayaa khadka taleefonka kuwada xariiray iyagoo kawada hadlay arrimaha Somalia.

Sida lagu sheegay war-qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykana, labada mas'uul ayaa isla soo qaaday qodobo ay kamidyihiin, Argagixisada, Amniga iyo hormarka.

Rex Tillerson, ayaa xaqiijiyay inuu jiro xiriirka labada dhinac, wuxuuna sheegay in xukuumadda Washingto ay taageerayso dowladda Somalia, islamarkaana ka saacidi doonto dhinaca amniga iyo kasoo kabashada colaadihii lasoo maray.

Dhinaca kale Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa qiray in dowladda Somalia ka go'antahay sidii loo sugi lahaa amniga islamarkaana diiradda loo saari lahaa soo afjarista Al Shabaab si looga fogaado Khatar ka timaada Xagjiriinta.

“Ahmiyadda ugu weyn ee aan leenahay waa sugidda nabadgalyada, waxaana doonaynaa inaan dardargelino dagaalka ka dhanka Alshabaab si loo afjaro khatarta argagixisada.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Maraykanka ayaa kamid ah waddamada si tooska ah ugu lug leh dagaalka lagula jiro Al Shabaab, isagoo duqaymo ka gaystay Koonfurta Somalia gaar ahaan Saldhigyo kooxdaas ku tababarato.

USA, ayaa sidoo kale ciidamo ka joogaan Somalia, kuwaaso gacan siiya Kumaandoosta dalka iyagoo loo diyaariyo dagaallada ka dhanka ah ururka calaaqaadka la leh Al Qacida.

Xiriirkan ayaase kusoo aadaya xilli Dowladda uu hogaamiyo Farmaajo doonayso in amniga gacanta u galiso ciidamo Somalia ah islamarkaana laga maarmo kuwa Midowga Africa ee AMISOM.

GAROWEONLINE

Related Articles

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM

Jubaland oo ka digtay hubanti la’aan siyaasadeed iyo faragelin shisheeye

Ugu dambeyn, Jubaland waxay ugu baaqday madaxda siyaasadda dalka in ay mudnaanta siiyaan ilaalinta midnimada iyo xasilloonida.

  • Soomaliya

    23-04-2026

  • 04:43PM