Xoghaye Boris oo la kulmay qaar kamid ah Madaxda maamullada Somalia

Image

MUQDISHU, Somalia- Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee dowladda Ingiriiska Boris Johnson oo safar aan horay loosii shaacin ku yimid maanta magaalada Muqdishu, ayaa la kulmay hogaamiyaasha saddex kamid ah maamullada ka jira Somalia.

Kulankan oo ka dhacay safaaradda Britain ku leedahay xerada Xalane ee magaalada Muqdishu ayaa looga hadlay arrimo ku aadan xaaladda waddanka gaar ahaan dhibaatooyin ka jira deegaanada Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Hir-Shabeelle.

Boris iyo Madaxda kala ah; Axmed Madoobe, Shariif Xasan, iyo Cali Cabdullahi Cosoble, ayaa isku waafaqay inay iska kaashadaan abaaraha ka jira Somalia iyo hormarinta dhinac nabad-galyada.

Xoghaya oo hadal kooban jeediyay ayaa tilmaamay in dowladda England diyaar u tahay sidii loo taageeri lahaa Somalia, isagoo intaas ku daray inay iska kaashan doonaan dhinac gurmadka abaaraha iyo hormarinta xasiloonida.

Wuxuu sheegay inuu ku faraxsanyahay la kulanka Madaxda Somalia iyo isbadal ka dhacay dalka, isagoo hogaamiyaasha maamullada ku adkeeyay inay la shaqeeyaan dowladda dhexe.

Shirkan ayaa yimid wax yar uun kadib markii xarunta Villa Somalia, shir kuwada qaateen Xoghaye Boris iyo Madaxweyne Farmaajo oo ay kawada hadleen xaaladda guud ee dalka iyo taageerada Boqortooyada Ingiriisku siinayso Somalia.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, ayaa maanta safar deg deg ah ku yimid magaalada Muqdishu, iyadoo wararku sheegayaa in socdaalkoodu ku saabsanaa la kulanka Xoghayahaya arrimaha Dibadda Britain.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM