Xoghaye Boris oo la kulmay qaar kamid ah Madaxda maamullada Somalia

Image

MUQDISHU, Somalia- Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee dowladda Ingiriiska Boris Johnson oo safar aan horay loosii shaacin ku yimid maanta magaalada Muqdishu, ayaa la kulmay hogaamiyaasha saddex kamid ah maamullada ka jira Somalia.

Kulankan oo ka dhacay safaaradda Britain ku leedahay xerada Xalane ee magaalada Muqdishu ayaa looga hadlay arrimo ku aadan xaaladda waddanka gaar ahaan dhibaatooyin ka jira deegaanada Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Hir-Shabeelle.

Boris iyo Madaxda kala ah; Axmed Madoobe, Shariif Xasan, iyo Cali Cabdullahi Cosoble, ayaa isku waafaqay inay iska kaashadaan abaaraha ka jira Somalia iyo hormarinta dhinac nabad-galyada.

Xoghaya oo hadal kooban jeediyay ayaa tilmaamay in dowladda England diyaar u tahay sidii loo taageeri lahaa Somalia, isagoo intaas ku daray inay iska kaashan doonaan dhinac gurmadka abaaraha iyo hormarinta xasiloonida.

Wuxuu sheegay inuu ku faraxsanyahay la kulanka Madaxda Somalia iyo isbadal ka dhacay dalka, isagoo hogaamiyaasha maamullada ku adkeeyay inay la shaqeeyaan dowladda dhexe.

Shirkan ayaa yimid wax yar uun kadib markii xarunta Villa Somalia, shir kuwada qaateen Xoghaye Boris iyo Madaxweyne Farmaajo oo ay kawada hadleen xaaladda guud ee dalka iyo taageerada Boqortooyada Ingiriisku siinayso Somalia.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, ayaa maanta safar deg deg ah ku yimid magaalada Muqdishu, iyadoo wararku sheegayaa in socdaalkoodu ku saabsanaa la kulanka Xoghayahaya arrimaha Dibadda Britain.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo xaqiijisay in la jabsaday xogta E-Visa, Go'aan cusubna soo saartay

Afhayeen u hadlay HSJ ayaa sheegay in dowladda federaalku ay durbaba magacaawday guddi gaar ah oo isugu jira hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    16-11-2025

  • 03:28PM

Sirdoonka Ajnabiga oo ka Cararay Muqdisho Kadib Jabsi Xogeed oo lagu Sameeyay Nidaamka E-VISA

Dhacdadan ayaa ka dhalatay xumaan xiriirka ka dhaxaysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah.

  • Soomaliya

    16-11-2025

  • 12:53PM