Xoghaye sheegay in Mooshinka Farmaajo buuxin waayay shuruudihii looga baahnaa

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xoghayaha Guud ee Gollaha Shacabka, Cabdikarin Xaaji Cabdi Buux, ayaa sheegay in Mooshinkii xilka qaadista ee ka dhanka ahaa Madaxwayne Farmaajo burburay kadib marki uu b uuxin waayay sida uu sheegay shuruudihii looga baahnaa.

Cabdikariin Buux oo soo saarey war qoraal ah maanta ayaa daboolka ka qaaday in Mooshinka sababta uu jabay ay tahay kadib markii 14 oo kamid ah 92 mudane ee la sheegay inay saxiixeen ay cadeeyeen in laga been-abuurtay, isagoo aan soo bandhigin magacyada Xildhibaanada.

Xoghayaha oo ah mas'uul uu soo magacaabo Gudoomiyaha Gollaha Shacabka, kana qaadi kara xilka ayaa sheegay Mooshinka Madaxweynaha laga keenay ay kusoo hartay 78 mudane, iyadoo xusid mudan Xildhibaanada saxiixay aan wali lasoo bandhigin magacyadooda, islamarkaana wali ku jira gacan Mursal, oo isaguna ka hadlin.

Sida uu xeerinaya Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, 92 Sharci-dejiye ayaa Mooshin xilka qaadis soo gudbin karta wuxuuna ubaahan yahay Saddex dalool ah hal, si loo horgeeyo Gollaha ayna uga doodaan.

Bayaanka uu soo saarey Buux ayaa imaanaya iyadda oo xiisad siyaasadeed oo culus ay ka dhalatay Mooshinkaan, islamarkaana labada gudoomiye ku xigeen ay ka hor yimaadeen go'aankii Mursal uu ku qabtey Mooshinka, iyagoo gudoomiyaha ku tilmaamey nin careysan.

Waa markii ugu horeysay taariikhda Soomaaliya oo uu Xoghaye uu go’aan ka gaaro ama ka hadlo Mooshin Madaxweyne laga soo gudbiyay. Buux ayaa xilka ka qaadey Jawaari markii ay is qabteen ku xigeenkiisa Muudey horaantii sanadkan, inkastoo markii xalka laga gaarey mooshinkii xiligaasi yaalla dib loogu soo celiyay shaqada.

Dhinaca kale, warbaahinta ku hadasha afka dowladda Soomaaliya ayaa warkaan baahisay, iyadoo aan horey u tebin markii la keenay Mooshinka, waxaana tani ay noqoneysaa markii ugu horeysay oo ay soo hadal-qaaday, taasoo ka dhigan inay kaliya soo gudbiso warar hal dhinac ah.

Xildhibaanada Mooshinka saxiixay ayaa ku eedeeyay xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha inay go'doomin sharci darro ah kusoo rogeen Gudoomiyaha Gollaha Shacabka, Maxamed Mursal oo lagu cadaadinayo inuu ka taqaluso Mooshinka, maadaama uu yahay mid ugu dambeyn gallaafan kara hadii wada-xaajood laga galo xilka Khayre.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM