​Xoghaye Yaxye oo diiday Warqadda shaqada looga joojiyay

Image

MUQDISHU, Somalia- Xogahayihii KMG ahaa ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka Somalia, Yaxye Cali Ibraahim ayaa diiday warqad kasoo baxday wasiir Cabdi Faarax Saciid Juxa taasoo sheegaysay shaqo joojin ka dhan ah xoghayaha Joogtada ah.

Wararka uu helayo Garowe Online, ayaa sheegaya in Yaxye Cali Ibraahim uu ku gacan sayray warqadaas isagoo tilmaamay inuusan u hogaansami doonin islamarkaana aysan waafaqsanayn sharciga.

Xoghayaha Amarka diiday ayaa lagu eedaynayo inuu ku takrifal awoodeed sameeyay, islamarkaana uu curyaamin ku wado shaqada wasaaradda.

Sida lagu cadeeyay warqadda kasoo baxday Xafiiska Juxa, waxaa mas'uulkan cabasho ka keenay shaqaalaha wasaaradda iyadoo dhowr jeer oo hore digniin loo jeediyay.

Wasiiru dowlaha ayaa sheegay in magacaabista iyo xil ka qaadista Xoghaye Joogto ay u baahan tahay in la marsiiyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, kadibna laga ansixiyo Golaha Wasiirada, laguna soo saaro digreeto Madaxweyne.

Sidoo kale Wasiiru dowlaha ayaa difaacay Xoghayihii joogtada Yaxye Cali Ibraahim, isagoo xusay in eedeyntii ku qorneyd warqadii shaqo joojinta ay aheyd mid aan waafaqsaneyn xaqiiqada, sidaas darteedna loo baahnaa inay noqoto canaan qoran iyo mid Af ah.

Dhinaca kale Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cali Sheekh Maxamed Nuur ayaa isna ka soo horjeestay xil ka qaadista uu sameeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Mr Juxa, isagoo ku tilmaamay inay tahay mid sharci darro ah oo aan waafaqsaneyn dastuurka.

Ra'isal wasaraha Somalia ayaa wararku sheegayaan in uu isna ka caroodey xil ka qaadista lagu sameeyey Xoghayaha joogtada ah ee Wasaarada.

Maaha markii ugu horaysay uu mas'uul katirsan wasaaradaha dowladda Federaalka Somalia diido amar kasoo baxay wasiirka, waxaana taas loo aanaynayaa Shakhsiyaadka qaybtood oo muddo dheer joogay xafiiska islamarkaana isu haysta inaysan jirin sharci xilka ka qaadi kara.

Lama oga tallaabada xigta ee wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Xafiiska Ra'isal wasaaruhuba samayn doonaan, balse arrintan ayaa u muuqata mid cakiran, iyadoo warar hoose sheegayaan inay socoto waan waan ku aadan in la dajiyo go'aanada labada dhinac.

GAROWEONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM