​Xoghayihii Gaashaandhiga ONLF oo la dilay

Image

War kasoo baxay ururka ONLF ayaa lagu sheegay in la dilay saraakiil sare oo katirsanaa ururkaasi kadib iska hor imaad dhexmaray ciidamo ka amar qaata xukuumadda Ethiopia  iyo mallayshiyaad taabacsan kooxda dagaalka kula jirta xukuumadda Addis Ababa iyo ismaamulka Somalida Ethiopia.

Sarkaal sare oo ka tirsan ONLF, Caddaani Hirmooge ayaa warbaahinta u sheegay in xoghayaha la dilay oo lagu magacaabo Sheekh Deeq Maxamed ay la dhinteen laba xubnood oo kale oo ka tirsan ciidanka ONLF.

Iska hor imaadka ayaa ka dhacay xadka dalka Somalia iyo Ethiopia.

Caddaani Hirmooge waxa uu sheegay in afar xubnood oo kale la qabtay.

Xubnahan ayaa wararku sheegayaan  inay ka yimaadeen dhinaca Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdishu ayna wateen baabuur kaasi oo cilladi ka gashay ka hor intii aan iska horimaadku dhicin.

Warar kale oo laga helay ilo  lagu kalsoonyahay ayaa tilmaamay inay maamulka Ahlu Sunna gacanta ku dhigeen xubno kale oo katirsan ururka ONLF, waxaana lagu qabtay degmada Matabaan.

Ilaa iyo hadda arrintaasi kama hadlin maamulka Ahlu Sunna.

Dilka saraakiishan ayaa kusoo aadaysa xilli dhawr jeer oo hore fashil ku dhammaaday dadaalo lagu doonayay in ururkaasi la hishiiyay xukuumadda uu hogaamiyo Cabdi Maxamed Cumar inkastoo ay jira garab ogolaaday dalabkaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM