Xogta afarta kursi Aqalka Sare ee lagu doortey Kismaayo

Image

KISMAAYO, Jubaland - Baarlamaanka Jubaland ayaa Khamiista maanta ah wuxuu doortey afar kamid ah sideeda kursi ee Jubaland ku leedahay Aqalka Sare ee baarlamaanka 11aad ee federaalka ah ee Soomaaliya.

Ilyaas Badal Gaboose ayaa noqdey Senatorkii ugu horeeyay baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya kadib markii uu helay 55 cod doorashaddii ka dhacdey xarunta KMG Jubaland ee Kismaayo, isaga oo ka adkaadey Maxamed Axmed Maxamuud Sayid oo helay 17 cod.

Kadib markii uu tanaasulay Axmed Maxamed Jaamac oo ahaa musharaxii la tartamayey, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa cod gacan taag ah ku noqday Sanatarka labaad ee kasoo baxay Jubbaland.

Sida laga soo xigtay guddiga doorashadda, 71 Xildhibaan ayaa u codeeyey, diideen 2 xuldhibaan ayaa diiday in ay u codeeyaan mana jiro xildhibaan ka aamusay codaynta kursigan.

Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan oo noqday mudanihii 3aad ee Aqalka Sare ee kasoo baxay Jubaland ayaa codad dhan 59 wuxuu kaga adkaaday Xaliimo Jaamac Maxamed heshay 12 Cod. Hal cod ayaa xumaaday, sida uu shaaciyey guddiga doorashooyinka.

Tafaasiisha kuraasta

Iftiin Xasan Iimaan Baasto ayaa cod gacan-taag ah ku noqday sanator-kii ka afaraad ee maanta lagu doortay xarunta ku meelgaarka Jubaland ee Kismaayo kadib markii uu u tanaasulay Ibraahim Yacquub, sida uu shaaciyey guddiga maamulaya coddeynta.

Fartaag iyo Iftiin oo ayaa tartan la'aan ku difaacdey kuraastooda markii "loo tanaasulay". Labadan sharci-dejiye waxay afartii sano ee lasoo dhaafay meteleen maamulkan uu madaxwaynaha ka yahay Axmed Maxamed Islaam.

Kursiga uu ku guuleystay Cabdirisaaq waxaa 4-tii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiday Faadumo Xasan Aadan oo sababo aan la shaacin ugu tartamayn difaacashada kursigeeda xilli ay kamid ahayd taageereyaasha taliska Farmaajo.

Metelaada uu helay Gaboose ayaa meesha ka saartey Senator Axmed Xaashi kaasoo ku fadhiyey afartii sano ee lasoo dhaafay wuxuuna kusoo bixi waayey magacaabidda madaxwayne Axmed Madoobe.

Musharaxiinta tartanka madaxtinimadda Soomaaliya ayaa hambalyo kala duwan u diray xubnaha maanta soo baxay, waxaana ay hogaanka dowlad goboleedyada ku booriyeen in ay si deg-deg u soo xulaan Senatorada cusub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad: Madaxweynaha wuxuu shir la yeelan doonaa madaxdii hore ee dalka

Shirkan ayaa loo arkaa mid fure u noqon kara yareynta kala fogaanshaha siyaasadeed iyo dhisidda hannaan loo dhan yahay oo lagu wajahayo marxaladda kala guurka ah.

  • Soomaliya

    25-05-2025

  • 11:19AM

Sheekh Shariif oo Dowladda ku Eedeeyay Caburinta Saxaafadda

Xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta waa tiirar muhiim u ah dowlad kasta oo sharciyad leh.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 03:01PM