​Xubin kamid ah Guddiga taakulaynta Ciidamada Somalia oo is-casilay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya- Mid kamid ah xubnaha dowladda Federaalka Soomaaliya u xil saartay taakulaynta ciidamada dalka ayaa maana ku dhawaaqay inuu iska casilay booskaas.

Maxamed Yuusuf Tigay oo ah samafale aad looga yaqaan deegaanada Soomaalida islamarkaana dhawaan Madaxweyne Farmaajo kusoo daray guddigaas ayaa shaaciyay inuu ka baxay xubnahaas.

Isagoo ka hadlayay sababta uu isku casilay Tigay ayaa tilmaamay inay la xariirto isku dheeli tirnaan guddiga dhexdiisa ah iyo sidoo kale madax bannaani la'aan.

“Waxaan iska casilay xubinamii Guddiga Taakulaynta iyo wacyigainta Galinta ciidanka Qaranka. Markaan arkay Madaxbanaani la,aanta, isku dheeli tirnaan la,aanta iyo ixtiraam la'aan,” Ayuu yiri Tigay oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook.

Madaxweyne Farmaajo ayaa bishii Jully ku dhawaaqay guddigan oo ka kooban dhowr iyo toban xubnood, waxaana waqtigii la aas-aasay kadib iscasilay General Jaamac Maxamed Qaalib.

Hadda waxaa Guddoomiye u ah General Axmed Jaamac Muuse, halka Guddoomiye kuxigeen uu ka yahay Sheekh Nuur Baaruud Gurxan.

Shalay ayay ahayd markii Guddigan uu la kulmay Ra'isal wasaaraha dowladda Federaalka Somalia.

Lama oga waxaa maalin kadib kulankaas kusoo beegay inuu is-casilo Tigay oo dabayaaqadii bishii hore ka tagay magaalada Garowe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Haweeney Lagu Xukumay 15 Sano ka Dib Ururinta $1.2 Milyan oo Al-Shabaab loogu Maalgaliyay

“Dhammaan dadka ku lugta leh falalkan halista ah waxaa la horkeeni doonaa sharciga si cadaaladda loo waafajiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska.

  • Soomaliya

    16-09-2025

  • 11:46AM

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM