Xubnaha Galmudug ee guddiga doorashada oo aan la xareyn

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Dowladda Soomaaliya ayaa Huteel Peace ee caasimadda Muqdisho waxay tababar uga bilaabeysaa xubnaha dowlad goboleedyadda ku metelaya guddiyadda doorashooyinka 2020-21-ka.

Xubnaha lagu xareeyay Huteelkaas ayaa kasoo kala jeeda Koonfur Galbeed iyo HirShabelle, waxaana ka maqan Galmudug, Puntland iyo Jubaland.
Wararka ayaa sheegaya in madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye uu uga cudurdaartey in xubnihii maamulkiisa lagu biiriyo maadaama uu waanwaan ka dhex-wado madaxda waqtiga kasii dhacayo iyo Midowga Murashaxiinta.

Puntland iyo Jubaland ayaa dhankooda waxay horey u qaadaceen hanaanka ay Villa Soomaaliya u maamuleyso guddiyadda, iyaga oo ku eedeeyay in ay jebisay heshiiskii ay kala saxiixdeen si gaar ah qodobada khuseeya guddiyada.

Madaxtooyadda ayaa lagu haystaa in ay guddiyadda kusoo dartay shaqaale dowladeed, taageereyaasha Villa Soomaaliya iyo askar ka tirsan Hay'adda Sirdoonka Qaranka. Balse, dhamaan eedahaas way dafirtay dowladda.

Lama ogga hadii talaabada cusub ee uu qaadey Qoor-qoor ay hoos-u-dhigi karto cilaaqaadka kala dhaxeeya Villa Soomaaliya oo gacan-weyn ku lahayd guushiisa si lamid ah dowlad goboleedyadda kale ee Koonfur Galbeed iyo HirShabelle.

Xubnaha lagu daad-gureeyay Huteel Peace ayaa loo furi doonan tababar maalmo socon doono kuna saabsan maareynta arrimaha doorashooyinka.

Xukuumadda ayaa kal hore waxay Decale Hotel ee isla Muqdisho waxay ku xareysay xubnaha guddiyadda doorashooyinka ee lagu muransanyahay kuwaasoo Murashaxiinta ay gabi ahaanba codsadeen in daaqadda laga saaro.

Maxsuulka wadaxaajoodyadda uu bilaabay Qoor-qoor ayay ku xirnaan doontaa hadii dalka qaab nabad ah uga baxayo mar-xalada kala guurka. Hadii tanaasul laga heli waayo dhinacyadda, waxay u badan tahay in qalalaase dhici karo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM