Xubnaha Puntland iyo Jubaland ku metela guddiga doorashada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladaha Puntland iyo Jubaland ayaa ku dhawaaqay liiska xubnaha ku metelaya guddiyadda doorashooyinka heer federaal, sidda ku xusan qoraalo kasoo kala baxay madaxtooyada labada maamul.

Xubnahan oo tiradoodu tahay min sideed – labada dowlad goboleed – ayaa ku biiraya xubno kale oo ku sugan magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho isla markaana maareyn doona doorashooyinka heer qaran.

Sidda ku cad bayaanka Madaxtooyadda dowladda Puntland, xubnaha ay soo xulatay in guddiga ku metelaa ayaa waxay kala yihiin;

Cabdikariim Muuse Maxamuud

Muuse Cabdulqaadir Ducaal

Axmed Cabdi Maxamuud

Caynaanshe Yuusuf Xuseen

Caydaruus Axmed Faarax

Cabdirisaaq Cabdulle Faarax

Farxiya Xuseen Maxamuud

Canab Xaaji Saleebaan Warsame

Dhanka kale, Sidda ku cad bayaanka Madaxtooyadda dowladda Jubaland, xubnaha ay soo xulatay in guddiga ku metelaa ayaa waxay kala yihiin;

Siyaad Maxamed Mursal

Axmed Maxamuud Cumar

Axmed Cabdi Nuur

Samsam Faarax Abuukar

Maxamed Cusmaan Gaab

Ibraahim Axmed Ibraahim

Axmed Yuusuf Maxamed

Abuukar Nuur Cabdi

Magacaabidan ayaa kusoo hagaageysa xilli war-saxaafadeed wadajir ah oo labadda maamul soo saareen ay ku baaqeen shir deg-deg ah oo lagu xalinayo khilaafka ka taagan doorashoooyinka qaranka 2020-21.

Bayaankaas nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online ayay ku sheegeen in madaxda dowladda federaalka ah ka cagajiidayaan khilaafkaas ayaga oo ka digay in waqtiga ka dhamaado 8-da Febraayo ayadoo la heshiin.

Beesha Caalamka oo dedaalo joogto ah wadday muddooyinkii dambe kuna saabsanaa xalinta is-faham-waaga taagan iyo madaxda dowladda federaalka ah ayaan wali ka falcelinta dhawaqa labada dowlad goboleed ee muhiimka u ah dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo helay cadeymo Muujinaya Xiriirka Daacish iyo Somaliland

Toddobaadkii hore, ciidamada Puntland ayaa sheegay inay heleen lacagta Somaliland oo looga tagey goobihii laga saarey Daacish.

  • Soomaliya

    03-03-2025

  • 02:35PM

Laftagareen oo Ka Qayb Galay Xuska 129-aad ee Guushii Itoobiya ka gaartay dagaalkii Adwa

Wuxuu sidoo kale xusay in xuska noocan ah uu muhiim u yahay kor u qaadista isbeddelka siyaasadeed iyo dhaqaalaha ee qaaradda Afrika.

  • Soomaliya

    03-03-2025

  • 12:40PM