​Xubno ka tirsan Shabaab iyo Qaraxyo lagu qabtey Beled-Xaawo [SAWIRRO]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

BELED XAAWO, Somalia- Wasiirka amniga Jubbaland Cabdrashiid Xasan Cabdi Nuur, ayaa kusoo bandhigay Doolow rag katirsan kooxda Al shabaab iyo qaraxyo lagu soo qabtey Howlgal ka dhacay degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo.

Wasiirka ayaa Saxaafadda usoo bandhigay afar nin oo katirsan Al shabaab iyo waxyaabaha qarxa, oo lagu soo qariyay Caagado, lana doonayay in lagu fuliyo weeraro ka dhan ah Ciidan ku sugan gobolka Gedo.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Kenya ay ka qeyb-qaateen Howlgalka lagu soo qabtey dadkan, oo ka dhacay Guri ku yaalla degmada Beled-Xaawo. Labo kamid raggan waxay wateen dhalashada Kenya.

Magaalooyinka ku yaalla gobolka Waqooyi Bari ee Kenya iyo Xadka Somalia waxaa inta badan ka dhaca  weeraro isagu jira qaraxyo, dilal iyo afduub, kuwaasi oo Al shabaab ay kordhayeen mudooyinkan dambe.

Al shabaab ayaa doonaysa inay carqaladayso Doorashooyinka Madaxtinimo ee ka dhaci doono Kenya bisha August, 2017, waxaana ay qoratay dhalinyaro u dhashay dalkaasi, oo u fuliya weerarada. 

Maamulka Jubbaland wuxuu sheegay inay labo jibaarayaan Howlgallada ka dhanka ah Kooxda Al shabaab, iyagoo kaashanaya Ciidamada Militariga Kenya, ee ku sugan gobollada Jubboyinka iyo Gedo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Ma doonayno in Israa’iil noo timaaddo oo dhibaatooyin noo keento

Wuxuu tallaabada Israa’iil ku tilmaamay mid “aad u murugo leh,” isaga oo ku baaqay in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah.

  • Soomaliya

    31-12-2025

  • 08:48PM

Dowladda Soomaaliya oo xoojisay dagaalka siyaasadeed oo ka dhanka qaar ka tirsan maamulada dalka

Su’aal ay dad badan is weydiinayaan ayaa ah sababta si gaar ah Puntland ….

  • Soomaliya

    30-12-2025

  • 06:24PM