Xubno kamid ah Ergadii doorashada oo lagu dilay Afgooye

Image

AFGOOYE, Soomaaliya - Dabley hubeysan ayaa xaafado ka tirsan degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dishay Labo ruux, galabnimada shalay oo Isniin ahayd, sida ay xaqiijiyeen hay’addaha amniga ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Falalka khaarijinta oo ka kala dhacey xaafadaha Ceel Qoday iyo Daahisoy ayaa waxaa loo geystey Labo qof, kuwaasi oo la sheegay inay qayb ka ahaayeen Ergooyinka doorashadda Xilldhibanaada Baarlamaanka 10aad.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay warbaahinta Ergooyinka la diley mid kamid ah ay ahayd Haweeney, halka Marxuumka kale uu ahaa Rag, kuwaasoo magacyadooda lagu kala sheegay; madax-jabiska ah ay fuliyeen Rag watey Xasan Caalim iyo Aamin Mayow.

“Rag watey Bastooladda, kuwaasi oo saarnaa Mooto Bajaaj ayaa toogtey labadda qof, kuwaasi oo durbadiiba goobta isaga baxsadey,” ayuu yiri Cali Gaab, oo ah Goobjoogaha Idaacadaha Muqdisho uga warbixiyey qaabka uu dilka udhacey.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda dilalka Afgooye, balse, toogashoyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacey degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaa sheegtey kooxda Daacish, xili ay ku dileen Askari ka tirsan waaxda Canshuuraha.

Al Shabaab ayaa horey ugu hanjabtay inay dilayso cid kasoo ka qeyb gashay doorashadii baarlamaaniga ee lagu soo xulay Xildhibaanada hadda shaqeynaya 2016.

Mudooyinkii ugu dambeeyay degaano iyo degmooyin ka tirsan dalka waxaa kusoo kordhayey falalka lidka ku ah amniga, iyadoo uu fashilmay balan-qaadyadii amniga ee madaxda Villa Somalia.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM