Xubno kasoo goostay Al-Shabaab oo lagu soo bandhigay Afmadow

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Ciidamada Nabad Sugidda Jubbaland ayaa degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose kusoo bandhigtay labo qof, kuwaasi oo ay sheegeen inay kasoo goosteen Al-Shabaab.

War qoraal ah oo kasoo baxay Hay'adda Nabad Sugida, ayaa lagu sheegay Colaad Faarax Xasan iyo Nuur Cabdi Xasan.

Fahfaahin ku saabsan qaabka ay u dhacday isa soo dhiibidooda laguma xusin bayaanka, balse illo wareedyo dhinaca sirdoonka ah ayaa xaqiijiyey in ay xiriiro lasoo sameeyeen Saraakiisha ciidamada.

"Colaad Faarax Xasan iyo Nuur Cabdi Xasan oo kamid ahaa Argagixisadda Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Nabad gelyada Jubbaland ee Degmadda Af-Madoow," ayaa lagu yiri war-saxaafeedka.

Xoogaga dagaalka kharaar kala soo horjeeda tan iyo sanadkii 2009-kii dowladda caalamku taageero ee Soomaaliya, wali kama aysan soo jawaabin sheekadda dowlad goboleedka Jubbaland.

Maamulka Jubbaland ayaa kordhiyay mudooyinkii dambe isaga o kaashana ciidanka xooga dalka gulufka ka dhanka ah kooxda cilaaqaadka la leh Al-Qaacida, kuwaasi oo degaanada dowlad goboleedkan cudad ku leh.

Afmadow oo ah degmo baaxad wayn ayaa xududu la leh dalka Kenya, iyo magaalooyinka Badhadhe, Kismayo, Jamame, Jilib, Xagar, Bardhere iyo Ceel-waaq xili ay 401 KM ay Koonfur Galbeed uga beegan tahay Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM