Somalia: Xubno katirsan Al shabaab oo isku dhiibay Koonfur Galbeed

Image

QANSAXDHERE, Somalia - Labo xubnood oo katirsan Al shabaab ayaa isku dhiibay Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed Somalia, ee ku sugna degmada Qansaxdheere, ee gobolka Baay. 

Gudoomiyaha Degmada, oo la hadlay Warsidaha Garowe Online, Aadan Cabdi Qooqaani, ayaa xaqiijiyay in Labo Dagaalyahan oo hubkoooda watay ay isasoo dhiibeen, kadib markii ay xiriiro lasoo sameeyeen Saraakiisha Ciidamada Koonfur Galbeed.

Wuxuu sheegay in labada dagaalame ay iska soo dhiibeen meel 20KM u jirta degmada, kadibna loo soo gudbiyay Qansaxdheere, isagoo intaasi ku daray inay u wareejin doonaan xarunta dhexe ee maamulka Koonfur Galbeed ee ku taalla magaalada Baydhabo.

"Waxaan kuu xaqiijinayaa in labo Al shabaab katirsan ay isku soo dhiibeen maanta Ciidamada Koonfur Galbeed ee ku sugan duleedka Qansaxdheere, waxaana hadda lagu hayaa saldhiga Booliska, oo Su'aallo lagu waydiinayo," ayuu yiri Aadan Cabdi Qooqaani.

Gudoomiyaha Qansaxdheere ayaa rajo ka muujiyay in kuwa kale oo ku jira Al Shabaab ay dhawaan isku soo dhiibi doonaan maamulkiisa, kadib markii ay xiriiro lasoo sameeyay, una sheegeen inay doonaayaan in ay soo goostaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM