Xubno katirsan Al shabaab oo lagu diley weerar ka dhacay Gedo

Image

BURDHUBO, Somaaliya - Xubno katirsan Al shabaab, oo ay kamid yihiin Saraakiil sare, ayaa lagu dilay howlgal military oo Ciidamada dowladda Federaalka Somaaliya ka fuliyeen gobolka Gedo.

Korneel Cabdiraxmaan Ibraahim, oo ah Taliyaha Guutada 48-aad, ee Ciidamada Xoogga dalka, ayaa xaqiijiyay in 9 dagaalyahan, oo 3 ay hogaamiyaal yihiin in lagu dilay weerarka, oo ka dhacay deegaanka Qoondhood, oo 40Km u jira magaalada Buurdhuubo.

Wuxuu sheegay in hub badan ay kasoo furteen Al shabaab, islamarkaana ay qaar badan nolosha kusoo qabteen kuwaasi oo ay keeneen degmada Buurdhuubo, oo Su'aalo lagu waydiinayo.

Taliyaha ayaa intaasi ku daray in Howlgalka uu ahaa mid qorsheysan, oo ay uga hortagayeen weerarka Al shabaab ku maleegaysay Deegaanka Qoondhood, kaasi la qorsheynayay in lagu qaado saldhigyada Ciidamada ee degmada Buurdhuubo iyo deegaanada ku dhaw.

Al shabaab kama aysan hadlin weerarka iyo khasaaraha la sheegay in dagaalyahanadeeda lagu gaarsiiyay. Dadka deegaanka ayaa sheegay in labada dhinac ay gaareen khasaarooyin lixaad ah, oo dhimasho iyo dhaawac isagu jira.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM

Soomaaliya: Agaasimihii Hore ee NISA oo Wasiirka Gaashaandhigga Ku Eedeeyay Cabsi-gelin Siyaasadeed

Hadalka Sanbaloolshe ayaa yimid kaddib markii Wasiir Axmed Macallin Fiqi uu sheegay in dowladda ay "u naxariisatay".

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 08:53PM