Xubno katirsan Al Shabaab oo Muqdishu lagu dilay

Image

MUQDISHU, Somalia- Saddex dagaalyahan oo katirsanaa Kooxda Al shabaab ayaa lagu dilay dagaal culus oo xalay ka dhacay degmada Hiliwaa, ee waqooyiga magaalada caasumadda ah ee Muqdishu.

Dagaalka ayaa yimid markii  Al shabaab ay weerar kusoo qaadeen ciidamada Nabad sugidda xilli ay howlgal ka fulinayeen Xaafadda Suuqa Xoolaha, ee degmada Hiliwaa.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in ciidamada NISA ay ku dileen iska-caabinta weerarka  lagu soo qaadey ah Horjooge ka tirsan Al-shabaab oo u qaabilsanaa Degmadaasi Hiliwaa oo magaciisa lagu soo koobay Jacfar.

Dagaalka waxa uu ka dhacay Warshadii hore ee Barafuunka, oo ku taalla Xaafada Suuqa Xoolaha.

Al shabaab wali kama aysan hadlin dagaalka Suuqa Xoolaha ka dhacay, iyo warka kasoo baxay mamaulka gobolka Banaadir, oo ku saabsan Dilka Amiirkooda Jacfar iyo dagaalamayaasha kale oo ku dhintay iska caabintaas.

Xaafadaha ku yaalla waqooyiga Muqdishu, gaar ahaan Deyniile iyo Hiliwaa ayaa inta badan waxaa ka dhacay weeraro Al shabaab ku qaadaan saldhigyada ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Dilal qorsheysan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM