Xubno katirsan Al Shabaab oo Muqdishu lagu xukumay

Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Somalia, ayaa maanta u fariisatay dacwad ka dhan ah labo ruux oo la sheegay inay katirsanyihiin ururka Al Shabaab kuwaasoo lasoo qabtay iyagoo ku guda jiray falal liddi ku ah amniga.

Sida uu maxkamadda ka hor cadeeyay Guddoomiyaha maxkamadda Gaashaanle Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa tilmaamay in raggaasi lagu helay dambiga loo haysto oo ah inay kamidyihiin kooxda Al shabaab.

Shuute, ayaa sheegay in labadaan dambiile oo kala aha; Maxamed Cali Kadiye inna Nuuro Weheliyey 27 Jir ah ku Dhashay Galgaduud iyo Xuseen Xaaji C/laahi inna Maryahan Maxamed ku dhashay Galgaduud, maxkamaddu ku xukuntay 10 sanoo oo xabsi ciidan ah.

Wuxuu tilmaamay in ciddii aan ku qanacsanayn go'aanka maxkamadda ay ka qaadan karto Racfaan.

"Raggan ayaa xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada qalabka sida kusoo eedeeyeen dambiga ah kamid noqoshada ururo hubaysan oo liddi ku ah dowladda, kadib markii ay kamid noqdeen ururka Al Shabaab," Ayuu yiri Shuute.

Labadaan shakhsi ayaa lagasoo qabtay deegaanka Godinlabe ee gobolka Galgaduud 19 bishii 03, 2017 iyagoo waday baabuur Hoomey ah oo lagasoo buuxiyay walxaha qarxa iyo taleefoono loo adeegsado howshaas. 

GAROWEONLINE


Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM