Xubno katirsan Dharcadka NISA oo lagu dilay Muqdisho
MUQDISHO, Soomaaliya - Koox hubaysan ayaa maanta barqadii agagaarka Buundooyinka degmada Waaberi ku dilay Afar askari oo katirsanaa Sirdoonka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa loo yaqaano Dharcadka.
Afarta NISA katirsan ee la dilay waxaa ku jirtay Gabar, sida ay dadka goobjooga u ahaa falka u sheegeen Garowe Online. Waxaa jira qof kale oo lagu dhaawacay weerarka gaadmada ah.
Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda dilka xubnaha Sirdoonka NISA, oo mudooyinkii dambe aad loogu soo daadiyay Wadooyinka Muqdisho, iyagoo dharcad ah, oo koox kooxo u socda.
Taliska NISA wax war ah kama soo saarin dilkan, oo imaanaya xili qaraxyadii Muqdisho ka dhici jiray ay hoos u dhaceeen mudooyinkii dambe, iyadoo Al-Shabaab u bedeshay weeraradeeda ku dhufo ka dhaqaaq.
GAROWE ONLINE