​Xubno kusoo baxay doorashooyin ka dhacay Jowhar iyo Cadaado

Image

JOWHAR, Somalia- Doorashada Aqalka Hoose ee maanta ka dhacday Jowhar iyo Cadaado, waxaana kusoo baxay dhowr Xildhibaan oo qaarkood si aad ah ugu dhawyihiin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxa'uud.

Magaalada Jowhar waxaa lagu doortay 2 Xildhibaan oo kala ah Amino Maxa'ed Cabdi, oo heshay 26 cod, iyo Dr. Xuseen Cabdi Cilmi oo helay 34 cod, waxaana uu ka adkaaday 3 Musharx oo tartan la galay.

Amino Maxa'ed Cabdi waxay ka tirsanayd Baarlamaanka uu waqtigiisa dhamaadey, xubin katirsan Xisbiga talada haya ee PDP (Peace and Development Party), waxaana lagu tirayaa saaxiibada MD Xasan Sheekh.

Doorashada Aqalka hoose ee ka dhacday magaalada Cadaado waxaa lagu doortay Axmed Macallin Fiqi, Madaxii hore ee Hay'adda NISA oo helay 49 Cod iyo Xildhibaan hore Ubax Tahliil Warsame, oo heshay 32 cod.

Ergada Doorashada ayaa cadaadis xoogan, caga-juglayn iyo Xarig kala kulmay Siyaasiyiinta iyo Madaxda sare ee dowladda FS, waxaana qaarkood xarig iyo dil loogu geestay Muqdishu, Cadaado iyo Baydhabo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM