​Xubno kusoo baxay doorashooyin ka dhacay Jowhar iyo Cadaado

Image

JOWHAR, Somalia- Doorashada Aqalka Hoose ee maanta ka dhacday Jowhar iyo Cadaado, waxaana kusoo baxay dhowr Xildhibaan oo qaarkood si aad ah ugu dhawyihiin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxa'uud.

Magaalada Jowhar waxaa lagu doortay 2 Xildhibaan oo kala ah Amino Maxa'ed Cabdi, oo heshay 26 cod, iyo Dr. Xuseen Cabdi Cilmi oo helay 34 cod, waxaana uu ka adkaaday 3 Musharx oo tartan la galay.

Amino Maxa'ed Cabdi waxay ka tirsanayd Baarlamaanka uu waqtigiisa dhamaadey, xubin katirsan Xisbiga talada haya ee PDP (Peace and Development Party), waxaana lagu tirayaa saaxiibada MD Xasan Sheekh.

Doorashada Aqalka hoose ee ka dhacday magaalada Cadaado waxaa lagu doortay Axmed Macallin Fiqi, Madaxii hore ee Hay'adda NISA oo helay 49 Cod iyo Xildhibaan hore Ubax Tahliil Warsame, oo heshay 32 cod.

Ergada Doorashada ayaa cadaadis xoogan, caga-juglayn iyo Xarig kala kulmay Siyaasiyiinta iyo Madaxda sare ee dowladda FS, waxaana qaarkood xarig iyo dil loogu geestay Muqdishu, Cadaado iyo Baydhabo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Taageertay Qaraarka Qaramada Midoobay ee qorshaha Trump ee Nabada Gaza

Mas’uuliyiinta ku xeel dheer mowqifka Soomaaliya ayaa sheegay in Muqdisho ay weli ka go’an tahay xalka laba-dal.

  • Soomaliya

    18-11-2025

  • 03:51PM

DFS oo sheegtay in macdan-qodis iyo baaris sharci-darro ay ka socdaan gudaha Soomaaliya

Digniintan ayaa imaanaysa iyadoo Soomaaliya uu ka jiro khilaaf ku saabsan maamulka khayraadka oo u dhaxeeya DFS iyo Maamullada.

  • Soomaliya

    17-11-2025

  • 12:38PM