Xubno laga saarey guddiyada doorashada Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddiga xukuumada xilgaarsiinta u saartey baaritaanka xubnaha lagu muransan yahay ee doorashooyinka ayaa xaqiijiyey in ay liiska ka saareen 34 xubnood.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta, Cabdiraxmaan Al Cadaala oo warfidiyeenka u waramay, ayaa daaha ka rogay in ay xubnahaan masaxeen ka gedaal markii ay ku cadaatay eedaha loo jeediyey.

"Maalmo dedaal dheer aan bixinay wadatashi balaaran aan sameynay isticmaalnay dhamaan aalladihii aan heli karnay suurtagalka nooga dhigi lahaa in aan kala oggaano cabashooyinkii la xiriiray guddiyada saddexda qaybood ah ee hirgalinta doorashada guddiga heer federal ee Fiit guddiga xalinta khilaafaadka iyo guddiga heer mamaul goballeed ee Siit waxaa caawa noo suurta gashay in aan soo gabagabeyno kala saaristii iyo kala hubintii," ayuu Al Cadaala u sheegay warbaahinta maxaliga.

Midowga Musharaxiinta madaxtinimada Soomaaliya ayaa gudbiyey 67 xubnood kuwaasoo ay sheegeen in ay kamid yihiin shaqaalaha, hay'adaha amaanka iyo taageereyaasha taliska Farmaajo.

"Waxaa jira sidoo kale saddex xubnood oo heer maamul goballeed ee Soomaaliland oo iyagana ay tabashooyin ka jiraan waxaana innagoo raacayna heshiiskii 27 May magaalada Muqdisho lagu saxiixay aan u gudbinay raysal wasaaraha ku xigeenkiisa iyo guddoomiyaha Aqalka Sare in ay tashi ka yeeshaan arrintaas sidii ay u xalin lahaayen," ayuu Al Cadaala ku daray, isaga oo aan kala caddeyn masiirka xubnaha kale ee haray.

Heshiiska ay todobaadkii hore Muqdisho ku gaareen hogaamiyeyaasha Soomaalida ayaa xeerinayey in liiska laga saaro dhamaan dhinacyadda ay ku cadaato eedeymaha loosoo jeediyey.

"Shaqada aan hadda bilaabeyno ayaa ah in aan baaritaan ku sameyno eedeymahaas , caddeymo aan u raadinno kadibna ciddii caddeymo ku filan loo helo isla markaana buuxin weyso shuruudaha ku xusan 17-ka September heshiiskii la gaaray iyo awaamiirta uu Ra'iisul Wasaaraha na siiyay in cid kamid ah shaqaalaha rayidka ama ciidamada aanay kamid noqon ciddii ku habboonaan wayso habraacaas ayaan ka saari doonaa," ayuu hoosta ka xariqay wasiir Al Cadaala.

Inkasta oo heshiiska uu xeerinayey in muddo shan maalmood gudahooda ah lagu soo afjaro howsha kala saarida, haddana waxaa muuqaneysa in waqtiga uu sii dhamaanayo, shaqadana socoto.

"Waxaan kulamo toos ah iyo xiriiro iyo wadatashi la sameynay dhammaan dhinacyada ay arrintan khuseyso haddii ay ahaan laheyd musharraxiinta, guddoonka Aqalka Sare, Golaha Shacabka, dowlad goboleedyada , ilaa hadda si mideysan oo la dhan yahay ayaan ku wadnaa, natiijo lagu qanco oo ku saleysan wixii lagu heshiiyay ayaana rajeyneynaa in aan soo saarno," ayuu tibaaxay Al Cadaala.

Qodobka guddiga doorashooyinka ayaa kamid ahaa arrimaha dib-u-dhaca ku keenay heshiiska doorashooyinka waxaana daahida fulintiisa ay dadka qaar aaminsan yihiin in ay abuureyso madmadow.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Libya iyo Soomaaliya oo Kawada Hadlay Iskaashiga Laba Geesood ah

Soomaaliya ayaa dhawaan ka baxday liiska dalalka daymaha haya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka dib 35 sano.

  • Soomaliya

    24-02-2025

  • 01:50PM

Ciidamada Difaaca Puntland oo Gacanta ku Dhigay Warshaddii Qaraxyada ISIS

Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale ku guuleystay inay ka saaraan argagixisada deegaanadan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    24-02-2025

  • 11:38AM