​Xubno loo saadaalinayo inay xilal ka helaan Madaxtooyada somalia

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha cusub ee dhawaan la doortay ayaa isu diyaarinaya inuu tago xarunta Villa Somalia oo maalmaha soo socod uu macasalaamayn doono Xasan Sheekh oo Muddo Afar sano ah ka talinayay.

Balse iyadoo aysan wali xilalka la kala wareegin labada Mas'uul waxaa soo baxaya warar hoose oo sheegaya in durba la calmaday shakhsiyaadka noqonaya hogaanka xilal dhowr ah kuwaas oo ugu muhiimsan qasriga Madaxtooyada.

Saraakiil ka agdhow Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa lagasoo xigtay in Madaxweynuhu qorsheeyay raggii laga dhigi lahaa,  Agaasimaha Madaxtooyada, Agaasimaha hab-maamuuska iyo taliyaha ciidamada ilaaliyaha qasriga Madaxtooyada.

Xubnaha loo wado boosaskaas ayaa isugu jira kuwo xilal kasoo qabtay Villa Somalia iyo kuwo agdhow mudane Farmaajo.

Warar lagu kalsoonaan karo aan ka helnay ilo wareedyo ku xeeran Madaxweynaha cusub ayaa sheegaya in mudane Farmaajo uu u wado taliyaha ciidamada Madaxtooyada nin lagu magacaabo General Cabdullaahi Cali Caanood oo horay ula soo shaqeeyay dowladda Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Agaasimaha  Madaxtooyada ayaa sidoo kale la qorshaynayaa inuu noqdo Tabid Cabdi Maxamed oo soo noqday safiir ku-xigeenka safaaradda Somalia ee dalka Maraykanka.

Tabid ayaa soo noqday Agaasime ku-xigeenka madaxtooyada Somalia, waxaana hadda uu kamid yahay saraakiisha aadka ugu dhow mudane Farmaajo.

Qorshahan ayaa soo shaac-baxay xilli dhalinyaro badan aad u raadinayaan inay ka dhex-muuqdaan xilalka muhiimka ah ee Madaxtooyada Somalia, kuwaasoo qayb ka ahaa ololihiisa doorashada.

Lama oga habka uu wax usoo magacaabi doono mudane Farmaajo oo aad looga taageeray gudo iyo dibad guushii uu ka gaaray doorashadii dhacday 08 February 2017.

GAROWEONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM