Xubno Shabaab ah oo lagu qabtay Afgooye kahor booqashada Farmaajo

Image

AFGOOYE, Soomaaliya - Howlagal ka dhacay degmadda Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa la sheegay in lagu soo qabtey 11 ruux oo looga shakiyay inay Al-Shabaab ka tirsan yihiin.

Cabdiqaadir Cismaan Nuunow, oo kamid ah Saraakiisha ciidamada ee Afgooye oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ayaa shaaca ka qaaday in qof dumar ah ay kamid tahay dadka lagu soo qabtey howlgalka ciidamada.

Wuxuu tibaaxay inay kusoo wareejin doono Hay'addaha amaanka ee Magaaladda Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, si buu yiri loo marsiiyo baaritaano dheeraad ah, islamarkaana loo horgeeyo Maxkamadda ciidamadda Qalabka sida.

"Ciidamada amaanka ee degmada Afgooye kadib howlgal balaaran oo ay sameeyeen, waxay gacanta kusoo dhigeen 11 ruux Kuwaasoo aan hubinay inay yihiin Al-Shabaab," ayuu Taliye Nuunow raaciyay hadalkiisa.

Howlgalkan ayaa ahaa mid lagu xaqiijinayo amaanka degmada, oo saacadaha soo socda la filayo inuu gaaro Madaxweyne Farmaajo, oo shalay aka baaqday booqashadiisa Afgooye.

Lama ujeedka dhabta ah ee ka dambeysa socdaalka uu Farmaajo halkaasi ku tagayo, balse, waxaa la sheegayaa inay tahay dar-dar gelinta howlgaladda ka dhanka Al-Shabaab, iyo waliba sidii uu kulamo ula yeelan lahaa masuuliyiinta degmadda.

Waa markii labaad oo uu Farmaajo booqdo Afgooye, isagoo safarkliisii ugu horeeyay ku tagey bishii May ee sanadkii hore 2017, markaasoo kulamo kala duwan kula soo yeeshay madax kala gedisan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM