Xukun lagu riday wasiir ka tirsan Xukuumada Somalia oo lagu helay musuq-maasuq

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa go’aan ka gaartey kiis ku saabsan musuq-maasuq loo haystay wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Soomaaliya, Mukhtaar Mahad Daa’uud.

Mas'uulkan oo shaqo joojin lagu sameeyay bishii Augus ee sanadkan, ayaa waxaa dacwad kusoo oogay xafiiska Hantidhowrka iyo Xeer-illaaliyaha qaranka, taasi oo ahayd inuu ku kacay fal musuq-maasuq ah iyo ku tagri-fal hantida dadweynaha.

Wasiir ku xigeenka ayaa lagu helay eedeymihii shaqada looga joojiyay kuwaasoo kamid ah inuu Khasnada Wasaarada Arrimaha Dibadda kala baxay lacag aanan cadadkeeda la shaacin, taasi oo uu amray Hantidhowrka in aanan la bixin karin.

Ku-xigeenka koowaad ee xeer ilaaliya Guud ee Qaranka Dr. Jamaal Maxamed Axmed, oo wakiil ka ahaa Xeer-illaaliyaha, ayaa maxkamadda hor-geeyay caddeymaha ay u hayaan inuu Mukhtaar baxshay lacagta.

Qareenadda difaacaysay Wasiir ku xigeenka oo qiray bixinta lacagta ayaa waxay tibaaxeen in mas'uulkan uusan u isticmaalin dano gaar ah, balse uu ku bixiyay baahiyo wasaaradda soo foodsaarey.

Intaasi kadib, Guddoomiyaha Maxkamadda gobalka Banaadir, Muuse Macalin Maxamed oo xukunka ku dhawaaqay ayaa shaaciyay in Wasiir ku xigeenka ay ku cadahay eedaynta loosoo jeediyay, isagoo ku xukumay ganaax lacageed oo gaaraya $7,000.

"24-ka saacadood ee soo aadan, waxaa u furan Racfaan oo uu ka qaadan karo xukunka maxkamadda,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray Guddoomiyaha Maxkamadda gobalka Banaadir.

Mukhtaar ayaa xukunka ganaaxa lacageed lagu riday isagoo ka maqan Maxkamadda.

Kiiska musuq-maasuqa ee loo haystay wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Soomaaliya, Mukhtaar Mahad Daa’uud ayaa qeyb ka ah fadeexad wax-isdaba-marin ah oo loo xiray dhowr mas'uul.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safaaradda Mareykanka Oo Beenisay Digniin Amni Oo La Xiriirtay Safarka Xasan Sheekh Ee Laascaanood

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee magaalada Laascaanood ayaa lagu wadaa inuu dhaco Khamiista berri ah.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 01:34PM

Trump oo Ku Hanjabay inuu dhalashada kala noqon doono Soomaalida lagu helo falal khiyaano ah

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo la xoojinayo nidaamka socdaalka iyo amniga gudaha ee wadanka Maraykanka.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 08:54AM