Xukuno lagu riday Askar ka tirsan Milatariga Soomaaliya

Image

MUQDISHO - Maxkamadda darajadda koowaad ee ciidanka Qalabka Sidda ee Soomaaliya ayaa xukun min Shan sano oo xabsi ciidan ah waxay ku riday Dablayaasha ciidamada xooga dalka ka tirsan ee Candikariim Muuse Muxudiin, Aweys Faarax Maxamuud iyo Maxamed Cali Maxamuud oo maqane ah.

Raggaan ayuu xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ee qaranka kusoo eedeeyay inay ka geysteen Magaaladda caasimada ah ee Muqdisho fal burcadnimo hubeysan ah, kaasoo ay kaga qaateen Shirkadda Isgaarsiinta Hurmuud  lacag dhan 10,874 oo dollarka Mareykanka ah.

Dacwad-oogayaasha ayaa sheegay in Askartaan ay kala dhaceen lacagtaan labo jeer oo kala duwan oo kala ah 2-dii bishii June iyo 7-dii bishii June 2018, islamarkaana ay gacanta kusoo dhigeen ciidamada dowladda, iyaga oo qayb kamid ah lacagtaas gacanta ku haya, taasoo ah 1,500 dollar.

“Dambiilayaasha lacagta waxay kala qaateen Labo jeer – marka hore waxay dhaceen 10,874 oo dollar, halka marka labaadna ay si xoog ah ay ku dhaceen 2,000 oo dollar, waxaana ay ciidamada soo qabteen iyaga oo gacanat ku haya 1,500 oo dollar,” ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad, Ciidamada qalabka sidda ee Soomaaliya Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay xukunka Maxkamadda, isaga oo daboolka ka qaaday in Raggaan ay qirteen dambiga, kadib markii la horkeenay caddeymo buuxa.

“Kadib markii maxkamadda ka horkeenay caddeymaha fal-dambiyeedka lagu soo eedeeyay Ragaan, Maxkamadu ku xukuntay eedaysanayaasha min Shan sano oo xabsi ciidan ah, lacagtii ay ka dhaceen shirkadda Hormuud oo dhan 11,354$ iyo in laga saarey ka mid ahaanshaha ciidanka xoogga dalka,” ayuu raaciyay Shuute.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad, Ciidamada qalabka sidda ee Soomaaliya Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa wuxuu tilmaamay in ciddii aan ku qanac-saneen xukunka ay riday maxkamada maanta oo Khamiis ah ay furan tahay Racfaan.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM