Xukuumada iyo Yariisow oo isku haya adeega caafimaadka ee Xajka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Kala aragti duwanaanshiyo u dhaxeysay maamulka gobolka Banaadir iyo xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa dibadda u soo ifbaxeysa.

Is-maandhaafkan oo noqoneysa duufaan siyaasadeed oo cusub ayaa waxay salka ku hayaa cidda bixineysa adeega caafimaadka Xajka ee sanadkan 2019.

Wasaaradda Caafimaadka ee federaalka ah ayaa war-saxaafadeed ay soo saartey ku sheegtay in ay iyadda maamuleyso, isla markaana ay u diyaar-garowday.

Hasa ahaatee, warkaasi wuxuu yimid iyadda oo maamulka gobolka Banaadir uu mar sii horeysay oo todobaadkii hore uu arrintaasi ku ku dhawaaqay.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay in wasaaradda ay "ka maseyrtay" maamulkiisa, isagoo ku eedeeyay "xaasidnimo".

"Waa nasiibdaro in Wasaarada Caafimaadka DFS ay ka maseyrto Maamulka G/Banaadir oo ay si xaasidnimo u dhaqanto. Weligeedba Caafimaadka Aasaasiga iyo Buuga Caafimaadka waa mas'uuliyada G/Banaadir, halka Wasaaradu mas'uul ka tahay Siyaasada heer Qaran ee Caafimaadka gobolada oo dhan," ayuu ku yiri.

Sikastaba ha ahaatee, khilaafkan cusub ayaa waxa uu imaanayaa iyadda oo ay dood ka taagan tahay lacagta Xajka sanadkan, kaasi oo laba heer loo sameeyay. [Halkan ka akhriso]

WAR-SAXAAFADEEDKA WASAARADDA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo taageertay in wadahadal lagu xaliyo khilaaf doorasho iyo dastuur 

Qaramada Midoobay ayaa tilmaantay in madashani ay muhiim u tahay xoojinta wadajirka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 12:58PM

Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay Kudhaa kadib dagaal culus

Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay gaadiid dagaal iyo hub ay ciidamada ka furteen Al-Shabaab, oo katirsan Al-Qaacida.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 09:40AM