Warar laga faafiyey socdaalka Rooble ee Kenya oo la beeniyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraaha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa Talaadada maanta ah u ambabaxay dalka Kenya oo ay uga bilaabaneyso booqasho ugu badnaan 4 casho ah.

Ujeedada Socdaalka shaqo wasiirka koowaad ayaa waxaa saxaafadda maxaliga ah uga warbixiyay Wasiirka Arimaha Dibadda ee dowladda federaalka Maxamed C/risaaq Abuubakar oo qudhiisa qeyb ka ah socdaalka.

"Safarka Ra'iisul wasaaruhu wuxuu ka bilaaban doonaa magaalada Mombasa halkaasoo uu joogo madaxweynaha Kenya. Waxaana halkaas u qaadan doonaa booqasho hal maalmood oo shaqo ah," ayuu Abuukar ka dhawaajiyey.

Abuukar ayaa intaas ku daray in socdaalkan uusan qeyb ka ahayn ajandihiisa qadiyadda dacwadda badda taasoo uu caddeeyay in ay go'aan kama dambeys ah kasoo saareyso maxkamadda cadaaladda aduunka ee ICJ.

"Labada dalba uma furna in ay ka hadlaan. Kiiskan waa mid soo dhamaadey. Waxaana socdaalkan uu yahay mid lagu xoojinayo xiriirka labadda dal," ayuu Abuukar ku yiri shirka jaraa'id ee uu qabtey kahor duulimaadka ra'iisul wasaaraha.

Dhawaqan ayaa kusoo aadaya iyadda oo khilaaf uu kasoo dhex-shaac-baxay madaxweynaha waqtigu ka dhacay Farmaajo iyo Rooble. Villa Soomaaliya waxay isku dayday in ay baajiso safarkan hase ahaatee waxaa muuqata inay ku fashilantey.

Kahor socdaalkiisa, Rooble oo qeybta VIP-ga garoonka Cadde kula kulmay hogaanka laamaha amniga farayna xoojinta amniga guud ee waddanka gaar ahaan caasimadda Muqdisho ayaa "kula dar dardaarmay in ay xil gaar ah iska saaraan sugidda amniga doorashooyinka dalka ka bilowday".

Is-aragan wuxuu imaanayaa xilli sababo aan la shaacin xalay loo xiray qaar kami ah jidadka muhiimka ah ee caasimada. Balse, warar soo baxay waxay la xiriirinayaan in Villa Soomaaliya ay isku dayeysay in ay abuurto xaalad cabsi ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Siilaanyo: Madaxwaynihii hore ee Somaliland oo geeriyooday

Madax kala duwan ayaa ka tacsiyeysay geerida oo illaa haatan aanan fahfaahin laga bixin sababta keentay.

  • Soomaliya

    15-11-2024

  • 08:23PM

Soomaaliya: Wasiir hore oo loo xukumay afduub iyo burcad-badeednimo

Wariye Michael Scott Moore ayaa wuxuu haystaa dhalashada dalalka Mareykanka iyo Jarmalka.

  • Soomaliya

    15-11-2024

  • 07:56AM