Xukuumada oo fahfaahisay shirka furmaya ee doorashada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xukuumada xilgaarsiinta Soomaaliya ayaa fahfaahin waxay ka bixisay shirka dardargelinta arrimaha doorashooyinka ee Axada maanta ah ka bilaabaya magaala madaxda waddanka ee Muqdisho.

Afhayeenka ra'iisul wasaaraha Maxamed Ibraahim Macalimuu oo xaqiijiyey in kulankan uu ka maqnaan doono hogaamiyaha HirShabelle ayaa xusay in madaxda kale ay isku arki doonan Teendhada Afasiyooni ee caasimada.

Macalimuu oo si kooban u dul-istaagay ajandaha wadaxaajoodka ayaa intaas ku daray in madaxda ay falanqeyn doonto qaababka fulinta heshiisyada doorashooyinka iyo haddii ay jiraan caqabado soo if-baxay.

Sida laga soo xigtay Macalimuu, waxaa suurtagal ah in hogaamiyeyaasha ay isla gartaan jadwal cusub wallow uu niyad jab weyn ka muujiyey dib-u-dhaca ku yimid labadii bilood ee horey isugu afgarteen hogaamiyeyaasha. 

"Howluhu way socdaan ra'iisul wasaaruhuna wuu ka shaqeynayaa laakiin waxaad moodaa in sidii loogu talagalay aysan ahayn oo mar walba Soomaaliya wax walba sidii loo qorsheeyay ma qabsoomaan. Marka madaxdu waxay kawada hadlayaan waxay tahay sidii loo qorsheyn lahaa," ayuu Macalimuu u sheegay laanta Afka Soomaaliga ee idaacadda BBC-da.

Wuxuu hadalkiisa kusii daray: "Waa laga yaabaa in jadwal cusub [ay ku heshiiyaan] oo howshuhu siday u dhici doonto waqti ka waqti ay sheegaan laakiin hadba waxay ku xiran tahay wixii wadahadalkaas kasoo baxa".

"Hadda wax caqabado ah ma jiraan. Laakiin waxay isugu yimaadeen in ay kala xog qaataan. Horeyna heshiiskooda way ugu jirtay in ay isu imaan doonan haddii ay isku baahdaan," ayuu kusoo gabagabeeyay hadalkiisa.

Qodobada ugu waaweyn ee shirka lagu gorfeynayo waa wax ka bedel lagu sameeyo heshiiska doorashada 17-kii September iyo 27-dii May, meeshana laga saaro laba degaan doorasho iyo in la yareeyo tirada eraga doorashadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM