Xukuumada oo Galmudug ku eedeysay fashilka Imtixaanka Shahaadiga

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirka Waxbarashada Xukuumada Federaalka ah ayaa tilmaamay fashilinta Imtixaanka Shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee Federaalka "ay ka dambeyso arrin siyaasadeysan".

Sidda uu sheegay Booliska, Imtixaanka waxaa sanadkan laga dusiyey magaaladda Balanballe ee hoostagta maamul goboleedka Galmudug.

Taliska Bileyska Soomaaliyeed ayaa shaaciyey in ninkii madaxda u ahaa kormeerayaashii dowladdu udirtay halkaasi oo bixiyey Imtixaanka lasoo xiray.

Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay Jamaaludiin Axmed Xirsi, oo 29-sano jir ah, uu maamulka kala kulmay "cadaadis dhaqaale iyo mid siyaasadeed".

"Waan ka soconayaa colaado siyaasadeed ee dalkeena ka jira. Marka, waxaan u arkaan in tani ay tahay mid siyaasadeysan. Ninka lasoo xiray oo aan aad ugu kalsooneen, waxaan aaminsanahay in cadaadis dhaqaale iyo mid kale uu kala kulmay maamulka, inkasta oo aan jeclayn in aan ka hordhaco baaritaanka hay'addaha amaanka," ayuu Goodax Barre u sheegay Barnaamijka Wacitaanka Dhageysataha ee VOA-da.

Maamulka Xaaf iyo xukuumada hadda jirta waxaa ka dhaxeeyay xurguf siyaasadeed, taasi oo meel-xun gaartay, salkana ku haysa xil-haynta Axmed Ducaale Geelle, oo ku adkeysanaya in uu xafiiska sii joogayo afar sano.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii madaxweynaha dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, uu ku eedeeyay Xaaf in uu mudo kororsi doonayo, lagana yeeli doonin, wallow qudhiisa uu wacad ku maray in uu difaacanayo boosgiisa.

Ma jirto wax jawaab ah oo ay Galmudug ka bixisay eedeynta culus ee kasoo yeertay Wasiir Cabdullaahi Goodax Barre.

Dhanka kale, wasiirka oo shaaciyey in Imtixaanka cusub uu qabsoomayo waqtigii loo mudeeyay oo ah 27-da bishaan illaa iyo 31-da, ayaa tibaaxay in dhamaan maadooyinka ay ku celis noqonayaa.

Isaga oo sii hadlaya ayuu meesha ka saarey in xanibaada Internet-ka ay meel ka dhac ku tahay xuquuqda aadanaha, taasi oo hay'addaha u dooda ay ku sifeeyeen.

Imtixaanka Shahaadiga ee la dusiyey ayaa waxay Ardaydu haysteen labadii maalmood ee ay galeen – Sabti iyo Axad – kadib markii baraha bulshadda lagu faafiyey xili qaarkood ay soo iibsadeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM