Xukuumada oo qarka u saaran inay isticmaasho miisaaniyad KMG ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa aad ugu dhow inay adeegsato saddexda bilood ee ugu horeysa sanadka cusub 2019 miisaaniyad KMG ah oo ka baxsan tan loo qorsheeyay, kadib khilaaf hareeyay guddiga maaliyadda.

Arrintaani ayaa u ogolaanaysa sharciga dalka iyo xeer-hosaadka Baarlamaanka hadii ay Xildhibaanada ansixin waayaan Fadhiga loo balamay ee 30-ka bishaan December, oo ka harsan mudo 3 maalmood ah.

Xildhibaan Cabdirisaaq Axmed Maxamed [Jindi] oo kamid ah Guddi hoosaadka Maaliyada Gollaha Shacabka ayaa daboolka ka qaaday in waqtiga ay haystaan iyo culeyska shaqada u taala ay tahay mid aanan isku dhigmin.

"Waxay ila tahay in maalmaha ka harsan sanadka cusub 2019 iyo sida nootaalo marka aan eegno, ma ahan mid isku dhigma. Mana ahan mid suurtagal ah in la meel-mariyo Miiisaaniyada 2019,” ayuu raaciyay.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu carabka ku adkeeyay in talaabada kaliya ee xukuumada ufuran ay tahay inay adeegsato saddexda bilood ee sanadka cusub Miisaaniyad KMG ah oo ka baxsan tan rasmiga ah.

"Sida sanadkii hore ayaa dhici karta oo ah inay xukuumada kusii wado howlaha wasaaradaha Miisaaniyad KMG ah oo ay isticmaasho 3-da bilood ee ugu horeysay sanadka cusub, kadibna la meel-mariyo,” ayuu xusay.

Bishii hore ee November, Gollaha Wasiirada oo meel-mariyay Miisaaniyad oo dhan 340 milyan oo Dollar-ka Mareykanka, balse, Aqalka Wakiilada Shacabka ayaa su’aallo ka keenay oo dib ugu celiyay xukuumadda.

Guddiga Maaliyada Gollaha oo haatan isbedal lagu sameeyay, ayaa warbixin bishii lasoo dhaafay uu soo saarey ku sheegay in la musuq-maasuqay $42 milyan oo dollar, taasoo aan ku caddeyn xisaab-xirka dakhliga baxay iyo midka soo galay xukuumada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM