Xukuumada oo raali gelin ka bixisay xerista wadooyinka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa raali gelin buuxda ka siisay shacabka xernaansiyaha wadooyinka Muqdisho, labadii maalmood ee lasoo dhaafay.

Jidadka magaala madaxda dalka ayaa loo xiray socdaalka Sabtidii uu Madaxwaynaha Jabuuti ku yimid caasimadda wadanka leh xeebta ugu dheer qaaradda Afrika.

Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar], ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa sheegay wadooyinka loo xiray si loo xaqiijiyo badqabka iyo amaanka wafdiga uu horkacayay Ismaaciil Cumar Geelle.

"Shacabka nabada jecel ee Muqdisho waanu ka raali gelinaynaa kala xernaanshiyihii magaalada labadii maalmood ee lasoo dhaafay….ujeedku wuxuu ahaa in wafdiga nabad kusoo dhaweyno, nagula joogaan, kuna baxaan," ayuu yiri.

Geelle, oo galabnimadii Axada soo afjaray safarkiisa, dibna ugu laabtay Jabuuti ayaa intii ku sugnaa Muqdisho wuxuu la kulmay Madaxda qaranka.

"Maxsuulka [natiijadda] ugu wayn ee kasoo baxay wadahadalada [labada madaxwayne] waxay ahaayeen iskaashi iyo nabada gobolka," ayuu daba dhigay ra’iisul wasaare ku xigeenka.

Si lamid ah, Geelle iyo Farmaajo ayaa si wadajir ah xariga uga jaray dhismaha safaarad cusub oo ay Jabuuti ka dhisatay degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir.

"Safaraada Jabuuti ee laga furay halkaan waxay tusineysaa in amniga Soomaaliya uu yahay mid la isku haleyn karo," ayuu Mahdi raaciyay hadalkiisa.

Geelle ayaa intii uu joogay magaalada Muqdisho wuxuu la hadlay Xildhibaanada Soomaaliya, oo ku tartarsiiyay in ay ka shaqeeyaan danaha qaranka.

Ugu dambeyntii, ku simaha ra'iisul wasaaraha dalka, ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay laga adkaado "kooxaha argagaxisada ah."

Madaxwayne Farmaajo ayaa intii uu ku jiray ol'olalihii doorashada waxa uu balanqaaday in hadii uu talada qabto aanu jiri doonin wadooyin la xirayo, haayeeshee, wuxuu umuuqdaa mid uu ku fashilmay fulinta balankaasi.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM