Xukuumada oo raaligelin ka bixisay xiritaanka jidadka Muqdisho

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xukuumada Soomaaliya ayaa furtay qaar kamid ah waddooyinka Muqdisho kadib sanado ay u xirnaayeen cabsi la xiriirta weerarada dagaalameyaasha Al-Shabaab.

Ra'iisul wasaaraha cusub, Maxamed Xuseen Rooble oo ay wehliyaan taliyaha booliska iyo duqa Muqdisho, ayaa xaflad lagu qabtay Muqdisho ka shaaciyey in la qaadey dhegxaantii lagu jaray jidadka.

Rooble oo tibaaxay in bil kahor uu kamid ahaa dadka ay saameysay xirnaanshiyaha waddooyinka ayaa qiray in ay jiraan dadyow badan oo dhibaatooyin baaxad weyn kala kulmay kala wareega.

Intii hadal-jeedinta uu wadday, wasiirka koowaad ee xukuumada federaalka ah ayaa ka shanqariyey in waddooyinka haatan xiran ay ku tijaabanayaan sidda shacabka ula shaqeeyaan ciidamadda.

"Waddooyinkii hadda qaar ayaa la furay qaarna way dhiman yihiin, qaarka dhiman waxaa la furi doonaa marka aan hubino in ay xasiloon tahay nabadii loo furay. Waxaan ciidanka uga mahadcelinaynaa sidda ay amniga magaalada uga shaqeeyaan. Waxaan shacabka Muqdisho uga mahadcelinayaa dulqaadka ay muujiyeen, Raali ahaada mar koowaad, mar labaad nalana shaqeeya," ayuu yiri.

Furitaanka waddooyinka ayaa kusoo hagaageysa xilli lagu waddo in maalinta berri lagu xuso Muqdisho sanad guuradii labaad ee kasoo wareegatay Qaraxii aadka loogu dhamadey ee Zoobe.

Si lamid ah waxay imaaneysaa iyaddoo muddo xileedka dowladda Farmaajo gabaabsi yahay isla markaana balanqaayadii ololaha ku sheegtay ay ku jirtay in aysan xiri doonin waddooyinka caasimada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay kulan Gollaha Mustaqbalka

Madaxtooyadu waxay sheegtay in ajendaha kulanka uu ku saleysan yahay dardargelinta geeddi-socodka dowlad-dhiska.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 08:07PM

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM