Xukuumada oo "si juujuub ah" ku hirgelineysa Manjah cusub

Image

MUQDISHO, Soomaaliya ah – Wasaaradda Waxbarashadda ayaa soo saartay "bayaan amar ah" oo ku socda daladaha iyo dugsiyadda sida gaarka loo leeyahay iyo kuwa ay dowladdu maamusho.

Sidda ku cad war-saxaafadeedka, waxaa laga doonayaan in ay hirgeliyaan bisha Agoosto oo uu bilabanayo sanad dugsiyeedka 2019-20, manjah cusub oo ay wasaaraddu diyaarisay.

"Wasaaradu waxay sameyn doontaa tababar macalinimo, kormeer iyo dabagal joogto ah oo ay ugu kuur-galeyso cida dhaqan-gelineysa manhajka cusub iyo kuw aan fulineyn," ayaa lagu yiri qoraal-ka.

Go’aanka wasaaradu wuxuu kusoo beegmayaa xili ay jiraan warar sheegaya in qaar kamid ah iyo daladaha iyo dugsiyada qaar ay qaadaceen Manhajka, iyaga oo qiil ka dhiganaya "khaladaad".

"Cidii ka gaabsata in ay fuliyaan, wasaaradu waxay ka qaadi doontaa talaabo sharci ah oo ay kamid noqon karto kala noqosho aqoonsi, dugsigii meel-marin waaya manjahka," ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Manjahka cusub ayaa, sida ay wasaaradu xaqiijisay, waxa uu ka kooban fasaladda 1aad ee heerka hoose illaa iyo 8aad oo ah heerka dhexe.

Tan iyo burburka uu haatan dalka kasoo kabanayo, nidaamka waxbarasho ee Soomaaliya oo ahaa mid ay hay’addo gaar ah maamulaan ayaa xukuumadihii talada isaga kala dambeeyay waxay wadeen isku dayo ay gacanta dowladda dib ugu soo celinayaan.

BAYAANKA WASAARADDA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM