Xukuumada oo "si juujuub ah" ku hirgelineysa Manjah cusub

Image

MUQDISHO, Soomaaliya ah – Wasaaradda Waxbarashadda ayaa soo saartay "bayaan amar ah" oo ku socda daladaha iyo dugsiyadda sida gaarka loo leeyahay iyo kuwa ay dowladdu maamusho.

Sidda ku cad war-saxaafadeedka, waxaa laga doonayaan in ay hirgeliyaan bisha Agoosto oo uu bilabanayo sanad dugsiyeedka 2019-20, manjah cusub oo ay wasaaraddu diyaarisay.

"Wasaaradu waxay sameyn doontaa tababar macalinimo, kormeer iyo dabagal joogto ah oo ay ugu kuur-galeyso cida dhaqan-gelineysa manhajka cusub iyo kuw aan fulineyn," ayaa lagu yiri qoraal-ka.

Go’aanka wasaaradu wuxuu kusoo beegmayaa xili ay jiraan warar sheegaya in qaar kamid ah iyo daladaha iyo dugsiyada qaar ay qaadaceen Manhajka, iyaga oo qiil ka dhiganaya "khaladaad".

"Cidii ka gaabsata in ay fuliyaan, wasaaradu waxay ka qaadi doontaa talaabo sharci ah oo ay kamid noqon karto kala noqosho aqoonsi, dugsigii meel-marin waaya manjahka," ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Manjahka cusub ayaa, sida ay wasaaradu xaqiijisay, waxa uu ka kooban fasaladda 1aad ee heerka hoose illaa iyo 8aad oo ah heerka dhexe.

Tan iyo burburka uu haatan dalka kasoo kabanayo, nidaamka waxbarasho ee Soomaaliya oo ahaa mid ay hay’addo gaar ah maamulaan ayaa xukuumadihii talada isaga kala dambeeyay waxay wadeen isku dayo ay gacanta dowladda dib ugu soo celinayaan.

BAYAANKA WASAARADDA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM