Xukuumada Soomaaliya oo ansixisay in Camey loo magacaabo safiir

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kulan ay golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ay Muqdisho ku yeesheen maanta ayaa lagu ansixyay Istaraatiijiyadda iyo Qorshaha Dhab-u-heshiinta Qaranka oo ay soo diyaarisay wasaaradda arrimaha gudaha federaalka iyo dib-u-heshiista Soomaaliya isla markaana lagu soo go'aamiyey tubta siyaasadda loo dhanyahay.

Gollaha ayaa cod wadar ogol ah ku ansixiyay Istaraatiijiyadda iyo Qorshaha Dhab-u-heshiinta Qaranka oo muhiim u ah dalka maadaama laga soo kabanayo dagaallo, lana doonayo in dalka laga hirgeliyo nidaam dimuqaraadiya oo sax ah lana jaan-qaadi kara dunida, dadka Soomaaliyeedna ay aaminsan yihiin.

Shirka maanta oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa sidoo kale lagu meel mariyay wax ka bedel lagu sameeyay sharciga canshuuraha iyo dib-u-eegsi lagu sameeyay sharciga dawladda Hoose.

Golaha Wasiirrada oo kulankooda maanta ku oggolaaday soo jeedin ay golaha soo hor-dhigtay Wasaaradda arrimaha dibadda xukuummadda federaalka Soomaaliya, ayaa Cabdixakiim Cumar Cabdullaahi (Cameey) u loo magacaabo safiir.

Madaxweyne ku xigeenkii hore oo waayadii dambe aad isugu dhowaayeen Villa Soomaaliya ayaa noqonaya mas’uulkii ugu horeeyey oo xil kasoo qabta Puntland oo shaqo safiirnimo loogu magacaabo.

Shirka golaha wasiirrada ayaa magacii hore looga bedelay hay’addii Saadaasha Hawada iyo Duulista Rayidka oo loo bedelay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM